18 May 2010 Xuska Xornimada Somaliland ee Toronto iyo wacdarihii ka dhacay

795_84.jpg
795_56.jpghappy18may.jpg

795_1.JPG

Waxaa habeenki sabtida ee bishu ahayd May 22 2010 ka dhacay magaalada Toronto ee Dalka Canada Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanad guuradii 19aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuriyda Soomaaliland .Xafladaasi o ay ka soo qaybgaleen ugu yaraan 1200 qof Somalilander ah iyo marti sharaf badan ayay ka mid ahayeen siyaasiyiinta iyo saxaafada Canada sida CBC-SRC Radio Canada, Carribean Connections.Sido kale Hadhwanaag News iyo DjiboutiNation.Ugu horeyn waxa furay hadalka Mudane Khadar Ciise oo ka ahna gudoomiyaha ururka Somaliland Canadian Society .Kadib waxa ka hadlay o khudbadoo ka jeediyay madasha Mudane Cusmaan aw faraax, Maxamad Bergeel,iyo jiilasha dambe oo kala ah Qasim Wacays iyo Ayadi Ibrahim.Abwaan Cabdi Cabdillaahi oo ah Gudoomiyaha Ururka Hal Abuurka Somaliland aya isaguna maanso cusub soo bandhigay. Waxaa kale oo xusid mudan ciyaar dhaqameed aad u qurux badan oo ay soo diyaariyeen dhalinyarada reer Toronto ee Somaliland oo ku saleysna hidaha iyo dhaqanka Somaliland. Sido kale fanaaniinta C/Jabbar Al Khaliiji,Axmed Diyaar,Shamis Qardajeex,Kooshin ayaa bandhig faneed layaable la yimid madasha xuska sanadguurada lasoonoqosada xornimada Somaliland oo 19th jirsatay.

795_12.jpg795_21.jpg

795_36.jpg 795_71.jpg

Maskaxda xafladan waaxa iska laha dhalinyarta Reer Somaliland ee Toronto oo kaashanaya ururka Somaliland Canadian Society iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ee magaladan Toronto.Waxa wacdaro ka muujisey oo qudbad qiimo iyo qaayaleba us oo jeedisay Jaliyadaha qurbajoogta Somaliland Marwo Suhuur Xasan Abiib waxa ku haboon inay u qabtaan dalkii oo hadaan in yar ka soo qaato dulucda hadalkeeda ah :inaynu wada nahay ambasadorada dalka Somaliland oo aynu iibino wadankeena.Waxay kale oo ay u sheegtay in uu dalkeenu u baahanyahay horumar oo aynu inaguba nadaba ka sameysanahay ictiraafukuna iskii iskaga iman doono.Waxa kale oo layaablahaa in Suhur ay la soo xihdhidheen qayb ka tirsan CBC (Warbaahinta Canada ) kana codsadeen in ay ka waranto guud ahaan xaalada Soomaaliland .Madaama ay fitgaraynayso profilka dadka Somalilanderska ah ee 20 sano qurbajooga ah dalkoodiii iyo dadkoodina wali ay iska warhayan.Ugu dambeynti waxay u fasishay inay Somaliland tahay One Family amaba Hal Qoys, caawana ay meel wada fadhiyaan una dabaldegeyaan xornimadoodi.

795_27.jpg795_73.jpg

Sidoo kale Xildhibaan Derek Lee iyo Xildhibaan Jim Karygyannis oo meteleya Barlaamaanka Canada ayaa shahado sharaf gudoonsiyay Jaaliyada Somaliland waxaana ka gudoomay shahadadaas xidhiidhiyihii xafladaasi Mudane Cilmi Ciise Gaboobe oo ah wiil dhalinyara ah laguna yaqanoo in uu si weyn oo aan gabasho lahayn hadh iyo habeen ugu ololeeyo ictiraafka raadiska Dalka Somaliland .

795_91.jpg 795_11.JPG

Guntii iyo gebogabadii anaga markii noogu dambeysay xafladaasi waxay ku dhamaatay farxad, iyo rayn reyn Ilaaha weyna waxaanu ka baryaynaa inay dooraashada ku beegan 26th ka June oo ah maalin weyn ay si fiican inoogu dhadhco ,inshalla ictaraafna helno inagoo nabada.Ameen.795_84.jpg795_57.jpg795_16.jpg
795_22.jpg 795_25.jpg 795_32.jpg 795_45.jpg 795_591.jpg 795_96.jpg