18 May 2011-Toronto- Xafladii 18 May ee Toronto:Warbixin kooban

18 May.org Toronto Ontario, May 30 -2011.
Bismilaahi Raxmaani Raxiim.Marka ugu horeysa waad salaamantihiin dhamaan Umada Soomaliland meelkastood joogtaan daafaha iyo dacalada dunida munaasibada labaatan guurada lasoo noqoshoda madaxbanaanida Jamhuurida Soomaaliland awgeed.Salaan sare kadib anagoo ku hadlayna magaca gudiga dhalinyarada u xilsaarnaa qabanqaabada Xuska 18 May ee Jaaliyada Toronto & nawaaxigeeda , waxaanu jeclaysanay in aanu idin siino sidii aan hore u balanqaadnay,warbixin kooban oo ku sahabsan xafladii qiimaha lahayd ee Xuska 20 guurada la soo noqoshada xornimada Jamhuuriyada Soomaaliland kana dhacday thaarikhdu markay ahayd :Axad, May 22keedi 2011 , magaalo madaxda Toronto, Gobolka Ontario ee dalka Canada.

Waxaa habeenkii Axadii 22kii May 2011 si weyn looga dabaaldagey magaagalada Toronto ee wadanka Canada sanad guuradii 20aad ee ka soo wareegtay lasoo noqoshada Xornimada amaba Gooni Isu Taagii Dalkeena Soomaliland. Xafladaas oo si aad u heersaraysa loo soo agaasimay waxa ka soo qaybgalay dadweyne aad u tiro badan oo aanu ku qiyaasnay inay ka badnaayeen 1000 ruux oo rag,dumar iyo caruur isugu jiraa kana kala yimid magaalada Toronto iyo hareeraheeda,sido kale gobolada kale ee Canada iyo dalka USA. Xafladan cajiibka ahayd waxaa soo abaabulay dhalinyarada Reer Somaliland ee “Brain-Trust” kuwaaso kaashanaya shacbigooda Soomaaliland iyo saxiibadooda “Somaliland Ambassadors” without borders.Dabaaldagu wuxuu run ahaanti u dhacay si layaableh oo ay dadweynihii ka soo qaybgaley aad iyo aad ugu qushuuceen.
Munaasibadas iyada ah waxaa ka soo qaybgaley masuuliyiin ka socdey baarlamaanka Canada, iyo Safiirka ahna Danjiraha u fadhiya dalkeena Soomaliland wadankan Canada Mudane Maxamad Ismaaciil.
Waxaa kaloo qayb libaaxle ka qaatey, fanaaniinta Qaranka oo kala ah, Nimco Yaasiin caraale (Nimco Sharaf) , Abbdijibaar/ Al Khaliiji,Guul band iyo Shamis Qardajeex &Muscician Abdi-Piano halkaasoy dhamaantood wacdaro ka dhigeen.

Odayaasha ka hadlay munaasibada waxa ka mid ahaa: Mudane Cumar Mahdi Gudoomiyaha gudiga odayaasha ee xuska 18 May,suxufi & xidhiidhiye Mudane Idiris Cigaal,Mudane Libaan Gabeyre Gudoomiyaha ururka HAG (Hawiye Action Group) sidoo kale Abwaan Khadar Guun oo heeso cusuboo Soomaaliland loogu tala galay fanaaniinta qaar ka mida ugu deeqay.Dhinaca dhalinyaradana waxa si wadajira u hagayay qaybaha kala duwan ee barnaamijka Kassim Wacays(MC)-Powerpoint presentation on Somaliland, Sacdiya Ducaale& Qaadir Mohamed (Somaliland Jeopardy Trivia Game) & Gudoomiye Cilmi Ciise Gaboobe.
Waxa kale oo maanso aad uu culus una qiimo badan dadweynaha u akhriyay Abwaan C/Cabdillahi (Gudoomiyaha Ururka Hal Abuurka Soomaalilland).
Gabogabadii waxa si toos ah amaba qudbad live ah u soo jeediyey dadweynihii ka soo qaybgaley xafladan Madaxweyne Ku Xigeenka dalkeena Soomaaliland Mudane CABDIRAXMAAN SAYLICI , taasoo umadii dhageysanaaysay aad ugu farxeen kuna diirsadeen. Xafladan waxaa ka soo qaybgalay dadweyne kor u dhaafey kumanaan qof oo isugu jirey dhalin iyo cirooleba halkaasoo laysku weydaarsanayay salaamo,majaajilo,dhoolacadayn, iyadoo wajiyadana ay ka muuqatey farxad aad iyo aad u balaadhan oo aan lagu soo koobi karin maqaalkan gaaban.

Intaa waxaa u sii dheeraa inay qabanqaabiyayaashii xafladaasi soo diyaariyeen abaalmarino ay ugu talogaleen masuuliyiintii kasoo qaybgalay xaflada,saxiibada dalkeena Somaliland iyo mujahidiintii u so halgamey dalkeena Soomaaliland ee aan iyagu fursad u helin inay nala dabaaldagaan xafladan 20th guurada wadankeena Soomaaliland sida Mujaahid ala yarxamu Marwo Samsam Haybe Ismaaciil oo aad ugu soo halgantay dadka Soomaliyeed iyo Soomalilandba dalkan Canada. Masuuliyiinta iyo ururada mutaystay shahaadooyinka abaalmarinta waxa ka mid ahaa:

Mudane H.E MAHAMED ISMAEL SAFIIRKA S/L ee Canada -Somaliland Republic Ambassador in Canada
Mudane TOM BOND Retired RCMP OFFICER
BRAIN TRUST/SOMALILAND AMBASSADORS WITHOUT BORDERS ahna ururka dhalinyarada soo abaabulay xafaldan xuska 18 May 2011
Marxuumad Marwo (AUN) ZAMZAM HAYBE ISMAEL
Mudane MP JIM KARYGIANNIS PC. MP
Mudane LIBAN GABEYRE Guddoomiyaha ururka HAWIYE ACTION GROUP
Marwo SUHUR XASAN ABIIB, Gudoomiyha garabka haweenka ee qabanqaabada xaflada
Mudane ADEN AIDEED (CAYNABA NEWS) UK
Mudane IDRIS EGAL (RADIO GOLIS )
Ururka gabdhaha GASHAANTI UNITY

Hadaba xafladani waxay ahayd tii ugu weynayd uguna rayn raynta badnayd ee sanadkan ka dhacda dalka Canada , waxaanan halkan uga mahadnaqeynaa dhamaan dadweynihii sharafta badnaa ee ka soo qaybgaley iyo fanaaniintii Qaranka ee wacdaraha ka dhigey , madaxdii Qaranka ee ka hadashay madasha, sido kale dhamaan dhalinyaradii Qaranka ee iyagu soo abaabuley amaba fuliyay hawshan Qaran iyo weliba waayeelkiii ku garabtaagnaa xafladan la yaabka lahayd. Ilaaheena weyna waxaynu ka baryaynaa inuu sanadguurada sanadka dambe inagu gaadhsiiyo nabad,barwaaqo, horumar iyo caafimaad.

Soomaaliland Guul iyo Gobanimo

Waad mahadsantihiin

Cilmi Ciise Gaboobe (Gud: Gudiga dhalinyarada isku daba riday xaflada xuska 18 May 2011 ee Toronto )

dsc01113.jpg

Daawo Sawirada/Dhageyso heesaha xulka ah/Check out songs and sample pictures

Part One

Part Two

One response to “18 May 2011-Toronto- Xafladii 18 May ee Toronto:Warbixin kooban”

  1. Farxaan says:

    Hambalyo hambalyo.
    Waxay ahayd xafladii ugu quruxda badnayd ee 2011ka waxaanad ka guulaysateen qudhunkii Hadhwanaag iyo maalayacnigii , anwar khasaare.
    Toodiina waxay ahayd tii ugu qaabka darayd 2011ka.iyo tii ugu dadka yarayd ee ugu xumayd TORONTO abid.

    Viva GASHAANTI.

You must be logged in to post a comment.