Somaliland maanta waxay maraysaa meeshii ay aduunka aqoonsigay sugaysay mudada dheer ka heli lahayd, kaas oo ay u samirtay waqti aad u dheer. Aqoonsiga ay aqoonsato dunidu wuxu Somaliland ka saari lahaa dhibaatoyin badan oo dhinacyo badan leh, waana talaabadii ku xigi lahayd waxa ay ilaa iyo hada qabsatay oo aduunkoo dhami si aad ah ugu amaano. Waxa ugu muhiimsan ee uu aqoonsigu S/L ka caawin lahaa dhinaca horumarka dhaqaale oo ay tahay in ay maanta dadkeeda dulman noloshooda wax kaga bedesho. Shacabka reer Somaliland waxay aduun weynaha tuseen in ay u bisil yihiin nadaamka dimoqraadiyada, waxay muujiyeen in ay dhibaatooyinka la soo dersa ku xaliyaan isu tanaasul iyo wada hadal, waxay gaadh ka hayaan nabadooda ay iyaga oo aan cid kale soo fara gelin ka hir geliyeen wadankooda. Waxay samaysteen dawlad ka kooban golayaal sharci dejineed, gole xukuumadeed iyo mid garsoor. Waxay shacabku filayeen in ay golayaashani u adeegaan dadkooda oo gaadhsiiyaan meesha ay higsanayaan. Waxa distuurka iyo xeerarka ka farcamay ku cad in ay golayaashani wada shaqayn toos ah yeeshaan, mid walbaana shaqadiisa u gaarka ah u qabto wadanka.
Waxa muhiim ah in ay wax kasta oo danta wadanku ku jirto golayaashani ku dhaqaaqaan, wixii danaha wadanka iyo shacabkiisa ka hor imanayana si isku mid ah uga hor tagaan. Waxa waajib ah in ay asxaabta qaranku mar walba eegaan danta dadkooda iyo wadankooda, in ay ka dheeraadaan wax kasta oo cadowga S/L farxad gelinaya, in ay ka dheeraadaan in ay u adeegaan dano gaar ah ama dano shaqsiyaad gaar ahi wataan.
Hadaba markaad maanta eegto waxa muranku ka taagan yahay, aadna u fiirsato sida ay golayaasha qaranka iyo asxaabta qarankuba u wadaan ama wajahayaan arintan muranka dhalisay, waxa kuu muuqanaya in shaqsiyaad gaar ahi si ay u gaadhan himiladooda u adeegsanayaan awoodahooda si aanay dani ugu jirin wadanka iyo shacabka tamaalaysan toona. Hadii aynu eegno dhinaca asxaabta, waxa cadaatay in shaqsiyaadka ugu sareeya labada xisbi qaran ee mucaaradka ahi anay wax dan ah ka lahayn dhibaatada soo gaadhaysa shacabka taagta daran, ee ay keeni karto murankan maanta wadanka ka taagani. Waxay keliya doonayaan sidii ay kursiga ugu fadhiisan lahaayeen, hanaankii saxda ahaa ee ay u mari lahaayeena ma hayaa. Mucaaradka ilaa maalintii ay dhamaatay tartankii markii hore laga adkaaday waxay ku hamiyayeen sidii ay kursiga gar iyo gar daroba mar ugu fadhiisan lahaayeen. Hadii aanay maanta mucaaradku u danayn dadka ay xilka rabaan in ay u qabtaan, maxay ku samayndoonan markay xilka qabtaan? Calaamadaha muuqdaa maaha kuwo dhiiri gelinaya shacab weynaha reer S/L, waxayna wax garadka wadankani is waydiinayaan dadka iyagoon weli gaadhin himiladoodii sidan u dhaqmaya ma lagu aamini karaa masuuliyada wadanka? Waxana muhiim ah in ay dhamaan dadweynaha reer S/L su’aashan is wada waydiiyaan. Hadaynu eegno dhinaca xisbiga muxaafidka, hada waxay galeen maalmihii looga cayimay ololaha, halka ay diideen asxaabta mucaaradku in ay maalmihii looga cayimay ololaha doorashada galaan, waxayna ku sababeeyeen in aanay dooraho bilaa diiwaangelin ah gelayn. Waxaynu ka dheregsanahay waxa ka soo baxay diiwaan gelintii uu wadanku dhowaan galay, taas oo najiido aan lagu qanci karini ka soo baxday.
Su’aasha kale oo isweydiinta mudani waxay tahay maxay asxaabta mucaaradku ugu dhegsan yihiin arintan diiwaan gelinta? Maxaa ka dhexeya hay’ada qasaaraha ka soo hoysay diiwangelinta ee Interpeace, wadankana sida sharciga ah looga caydhiyey iyo madaxda mucaaradka?
Su’aalahaasi waxay u yaalaan dadweynaha reer S/L, mana aha in aynu si indho la’aan ah u supportno dano dad gaari wataan oo keeni kara burburinta wadanka iyo iska horkeenka umadan jilicsan ee aan u baahnayn in lagu kalifo wax aanay haba yaraatee dani ugu jirin. Mucaaradku haday kalsooni ka qabaan in dadku raacsan yahay ayna aaminsan yihiin in dadku nacay xukuumada jirta maxay sidii doorasho ku hirgalaysoba ugu geli waayeen oo tartanka u geliwaayeen? Doorashada xukuumadu gacanta kuma hayso, howl wadeenada doorahadu waxay ka imanayaan dadweynaha ay leeyihiin mucaaradku way na raacsan yihiin, todobada nin ee commisionku keligood ma gaadhayaan wax go’aan ah, waxana kaga awood badan kana howl wadeenada kale ee iyagu sida tooska ah uga masuulka ah hirgelinta doorahada.
Gar naqsi, isu tanaasul, lexejeclo laga leeyahay qarankan curdinta ah, ayaa lagu soo gaadhay heerka ay S/L marayso, yaan laga tegen taa ayaan leeyahay cidii diidana dadweynahaa xukunkiisa laga sugayaa.
Wa bilaahi towfiiq.
Xildhibaan: Mohamed Ali Gibril