Republic Of Somaliland
Jamhuuriyada Somaliland
National Electoral Commission
Guddida Doorashooyinka Ee Qaranka
Ref/GDQ/XG/ 749 /09 06/09/2009
Ku: Madaxweynaha JSL Hargeysa
Og: Shir Guddoonka Golaha Guurtida Hargeysa
0g: Shir Guddoonka Golaha Wakiilada Hargeysa
Og: Saddexda Xisbi Qaran Hargeysa
Ujeeddo: Dib-u-dhac ku yimid Qabsoonkii Doorashada Madaxtooyada ee 27 September 2009.
Annagoo Tixraacayna go’aankii GDQ ee Summaddiisu ahayd KDQ/XK/629/09 ee 06/04/09 kuna saabsanaa muddaynta Doorashada Madaxtooyada ee sharci ahaan waafaqsanaa go’aankii Kordhinta muddada Xilka ee Dawladda ee Golaha Guurtida ee summaddiisu ahayd GG/JSL/KL/ 01/032009 kuna taariikhaysnaa 28 March 09 iyo Degreetadii dhaqangalka go’aankaasi ee Madaxweynaha JSL ee summaddiisu ahayd 0343/04/209 ee 06/05/09.
GDQ waxay shir ay xubnuhu u dhanyihiin iskugu yimaadeen maanta oo bishu tahay 06/09/09 iyagoo si mug leh uga dooday in aanay suurto-gal ahayn Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada ee 27 Steptember 2009.
Haddaba KDQ Markuu arkay:
1. In qabsoomidda doorasho ay sal u tahay wada jirka iyo is-faham dhex yaalla dhinacyada u tartamaya doorashada (Xisbiyada Qaranka) sida uu tilmaamayo Qodobka 1aad ee Xeer Lr. 20/2001.
2. In aanay jirin hab ay isku waafaqsan yihiin Xisbiyada Qaranku in lagu galo doorashada illaa iyo hadda.
3. In tix-gelin iyo fursad la siiyo dhexdhexaadinta ay wadaan ergooyinka gudaha iyo dibedda ee ku hawlan soo afjaridda khilaafaadka siyaasadeed ee uu dalku galay si loo abuuro jawi suurto geliya in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacdo.
Sidaa darteed, KDQ waxay go’aan ku gaadheen in aanay suurto-gal ahayn in ay doorasho qabsoonto 27/09/2009.
KDQ wuxuu hay’adaha Qaranka ee ay arrintani khusayso u soo jeedinayaa in ay ka guttaan waajibaadka sharci ee la gudboon.
KDQ wuxuu ugu baaqayaa dhinacyada siyaasadda ku loollamaya in ay la yimaaddaan isutanaasul iyo isudul-qaadasho iyagoo tix-gelinaaya danta iyo deggenaanshaha umadda ay mas’uulka ka yihiin.
Wa Billaahi Towfiiq
1. Jaamac Maxamuud Cumar, Guddoomiye _______________
2. Cali Maxamed Cabdalle (Biikolo) _______________
3. Maxamed Yuusuf Axmed _______________
4. Maxamed Ismaaciil Maxamed _______________
5. Ismaaciil Muuse Nuur _______________
6. Xasan Cumar Hoori _______________
7. Mahdi Maxamed Guuleed ________________