Maansadan waxa curiyey Abwaan C/Raxmaan oo ku maqac dheer “Talaabo” kana mid ah Ardaaga Abwaanada SLR (Somaliland Republic) –isaga oo ka waramaya Dhacdadii dhimashada iyo dhaawacaba keentay ee maalintii dhowayd ka dhacday Magaalada Hargeysa ee SLR –Maansada waxa uu abwaanku uugu magacdaray MASHAQO waana tan
Marka hore waxaan salaan qiima badan u diraya
Dhamaan abwaaniinta aanu bah wadaagta nahay
Ee golahan rag iyo dumar
Meel kasta oo ay joogaan
Marka xiga waa gabay la magac baxay MASHAQO
Oo ka dhashay dhacdadii hargaysa ee lagu laayay shacabka an waxba galabsan waana kanee akhris wacan
Gartan murugtay xaajadan melmelan murankan xoogaystay
majirahan habaabiyo samahaan marinkii loo diiday
Masiibadan gabowdiyo xumaa loo mashxaradaayo
Mashaqada hargaysiyo dadkaa maanta lagu toogtay
Maatadiyo caruuraa rasaas lagu maqiiqayo
Muusanowga iyo oohintyo maydka dhinac yaala
Murugada dalkaygiyo gefkaa laygu maamulayo
Macna li,ida reeraha u go,ay waa wax ii maqan e
Marna waxaan filayn buu la yimi maamullki jiray
Dawladii aan maamuska iyo magac ku doonayay
Maalin iyo habeen dowladii loo mashxaradaayay
Dowladaan maryaha dhiiga badan siistay magaceeda
Muslin iyo kufrigu dowladuu nagu majeeraayay
Dowladaan majiiraha san iyo marinka qaadsiiyay
Ma xishoodayaal baa qaribay waana lay marag e
Hadii aan siday maanta tahay meesha laga saarin
Muxubo iyo wanaag iyo hadaan maaro lagu joojin
Mashaqadu welle way ka badan mid iyo dheeraaade
Maskab iyo hadii aan xil iyo maamul laga waalan
Malkadiyo hadii aan guryaa dhiigu mulacyaynin
Ninka macasha wayn liyo hadaan maddaxdu dhiilaabin
Hadii aan shacbigu max,edow idinku miraabin
Hadii aan midiyo dhiigleh iyo maare iidin leefin
Hadaan guriga maamuska badan meesha laga waayin
Hadii aan masiibada dhacdaa idinku meeraysan
Midh midh iyo hadaydan u socon sida masaakiinta
Intaa maanta joogtaa hadanay dunida meeraysan
Hadba meeshay doonaan hadaan Maganta loo diidin
Hadaydaan maxaabis ku noqon jeelka miridhaystay
Hadii aan siday maanta tahay meesha laga saarin
Muxubo iyo wanaag iyo hadaan maaro lagu joojin
Hadii aan shacbigu max,edow idinku miraabin
Hadii aan midiyo dhiigleh iyo maare iidin leefin
Macaankiyo hadii nimcada meeday lagu waalan
Macsidaa gasheen iyo hadaan malafsigii joogsan
Hadaan moodhi kaarkiyo guryaa meersan laga yaacin
Ninka madax waynliyo hadaan maamul la ugaadhsan
Masnadaa jaqayseen hadaan meesha laga waayin
Hadaydaan sidii max,ed kii magan na waydiisan
Masaariif hadaydan ka dhigan midho la soo qooshay
Macaluul hadaydaan u dhiman waa na madhiseene
Mowlihii ilaahay hadaanu meesha idin dhaafin
Musuqaa canteen iyo hadaan maalki la xisaabin
Hadii aan maxkamad laydin gayn waa ka mudateene
Hadii aan macaashkaa hesheen madhanin jeebkiinu
Murugada xanuunka leh hadaanay idinku soo meerin
Mowjado kacdooniyo hadaan mooshin idin qaadin
Hadaan maalmo dhow laydin qaban sida maxaabiista
Dar kitaabka maamuska badan midigta noo saara
Muslin dhab ah hadaan max,ed mowli nagu deeqin
Mashaa,iikh hadaanaan ka dhigan maamul lagu doogo
Masjidkiyo hadaanaan camirin magaca diintaydaa
Hadaan max,ed iyo tuu na faray lagu majiiraanin
Hadii aan mabda,aa galadiyo tiina laga maarmin
Waxba mowsanogiyo tixii yay maan rogine
Maantiyo beraa iiga hadhay mahad naqaygii e
Ka macaasha maantaba nasrigu idinka soo meerye
Abwaan c/raxmaan xusen cumar (Tallaabo)
Berbera s/land
Eimail hanadx1@hotmail.com