Somaliland Political analysis
Somaliland: a stable democracy in Africa!
MAANSADII HORMOOD by Abwaan (Poet) Foosiya Axmed Maxamed

Bismilaahi Raxmaani Raxiim Asalaamu caleykum dhamaan bahwadaagteydaay meel kastoo aad ka kulaaleysaan ardaaga 18may.org rag iyo haweenba waa maanso ku wajahan marxaladaha adag ee maanta la marayo iyadaana is furfuridoonta hadii alle idmo ee wan tan mansadi abwaan Foosiya Axmed Maxamed.

Murugada jirtiyo muusanowga
Dhacay meereeyihiyo nimankeer
Melegan mici dhiiglihiyo waraaba
Mir kacey mesaladan jirtee
Maareyn lahayn muska oodan iyo
Maska nagu dhex jira sida leysu Marey laysu maagan yahay
Madaxdeer adeyg looga maar la, yahay
Muka kaalka iyo muuqyadatan badan
Siduu noo mutiyo siduu noogu Mamey
Moorada jirtee nagu meersan iyo
Miinada la xidhey maabkeer maldahan
Mililbaa hurgumo mudac lagu midee
Mahadhooyinkaa miiladatan lee
Ma midhkii horaa?
Mukulaal madow iyo malowyadiyo
Manso caar lehey masiibooyin iyo
Belo maaxataay nimankii mar hore laga
Maarmayoo soo miir kacoow kuwa
Malafsigiyo dhiig muhanayoow
kuwa Mootan iyo meyd soconayoow
kuwa Maahsanee is maqiiqayoow
Mansab doonka iyo inta muustayeey
Inta maalmaheer lagu maadsadaay
Inta aan maleyl waxa muuqdayeey
Inta moqoradiyo malabyada cabtaay
Inta toobinkeer wax ku maaleysaay
Xuma muuqda iyo shar malaasanoow
Aawey maxamedkii? ciidankii maraa!
Wiilkii macangaganimo loogu
Magacdariyo mee moorgankii?
Malaa waanad arag waxan kuu
Maldahan! intee gaas makala
Meeshey galaan mirir lagu cunoo
Waar sidii ku maqan!
Ragii muusi jirey muska jebin yiqiin
horta nagama madhan!
Madaxdii dalkee meelkastoo khatar
Looga maagi jirey
Horta nagama madhan!

Maar kuu xidhnoo male kuu dhahoo
Masaawaadka iyo maslax kula galoo
Murti iyo aqoon kuu midha guroo
Cidkastoo mudneyd kuu meel dayee
Dumarkuna mashxarad kugu meeriyee
Muftigiina diin xadiis kuu marshee
Abwaanadu macneyn kuu erey baxshee
Sida naag shinkeedii maagan yahay
Kuu mala tunee!
Duntan murugtayey inta maxasta iyo
Dhiiga miirataay Mararaa hunguri
kuma Miigta oo waad mareysantee
Adna maalmaheer kuu magac baxaad
isku maqantahee masaawaadka diid
Intey mooshin tahay waaba meel dhawee
Waqtigaa maxkabad kugu qaadayee
Miisaan midhkaa!
Adigaa marsiyo marin seegayee!
Adigaa rasaas wax ku maagayee!
Marmarada adaa malaa eegayee!
Adaa miisaskeer masanuuniyee !
Maqashii adaa mareegaa jaree !
Dadkii kaa maqnaa adaa soo
Mudhee!adaa miiqa duna ka
Miciin yarbaad mootarad ridee
Raga dacarta mila oo ku
Muudsadaad ku macaan tahee
iska maalmo dhowr.

hormood
burco.
Foosiya Axmed Maxamed

Post a Comment Below »
Your Name:

Your Email:

Website?

Your Comment:

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Pages

Bathrooms, Indoor Lighting & Cyprus Villas