Warsaxaafadeed kasoo Baxay Wasarada Gashandhiga Somaliland.
JAMHUURIYADDA SOMALILAND WASAARADA GAASHAANDHIGA JSL
WARSAXAAFADEED
Waxa wargeysayada qaarkood ay daabaceen hadalo ka soo yeedhay madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland kuna saabsanaa hanjabaad ah inay
weerar ku soo qaadayaan gobolka Sool, oo ka mid ah gobolada Somaliland.
Haddaba waxan u sheegaynaa ninka ay ka soo yeedhay hanjabaadaha fadhi ku dirirka ahi inuu gobolka Sool ka mid yahay jamhuuriyada Somaliland, maamul
iyo nabad gelyana ay ka jirto, ciidamada amaankuna diyaar ayey u yihiin inay difaacaan, gacan bir ahna ku qabtaan cid kasta oo ku soo xadgudubta
nabadglyada iyo xasiloonida JSL, iyagoo kaashanaya shacbiwynaha reer Sool oo mar walba danaynaya nabadooda iyo horumarkooda.
Waxanan uga digaynaa maamulka Puntland inay ka digtoonaadaan hadalada deel-qaafka ah ee ay mar walba caadayteen, iyaddoo Jamhuuriyada Somaliland
ay mar walba danaynayso inay nabad iyo xasilooni kula noolaadaan dalalkaay jaarka yihiin.
Somalidu waxay ku maahmaahdaa “ Nin daad qaaday xunbo cuskay”, waxaynu ka warhaynaa in maalmahan an soo dhaafnay nabadgelyo darro awgeed dhawr nin
oo madax ah lagu dilay Puntland dhexdeeda si badheedh ah, iyaddoo ay u sii dheertahay inay Puntland xarun u noqotay budhcad badeeda ka qawlaysata Badaha Caalamiga ah.
Sidaas darteed, waxa anu mar labaad uga digaynaa maamul goboleedkaPuntland hanjabaadaha malo-awaalka ah inay ka waantoobaan, iyaddoo ciidanka difaaca qaranka Jamhuuriyada Somaliland uu diyaar u yahay mar walba difaaca qaranimada Somaliland iyo xuduudaheegaba.
Saleebaan Warsame Guuleed
Wasiirka Gaashaan-dhiga JSL.