Bismilaahi
Salaan kashka iyo laabta ka soo go’day oo ku socota dhammaanba akhristayaasha kadib, waxay qormadani qayb ka tahay Silsiladdii Hibaaq ee beryan dambaba ku soo bixi jirtey mareegta Hadhwanaagnews . Waxayna qormadani la magacbaxday;
Ayuu Hooyga kula gelin.
Waxayna leedahay:
Inkastoon hamiga dheer
dhul shisheeye haabtoon
badahaa hiraayiyo
ka tallaabay haadaan
waxad tahay Hibaaqey
halbowlihii naftaydoo
habeenkiyo dharaartaba
waan kugu hamiyayaa
Waxad tahay Hibaaqey
hilibkii jidhkaygoo
hanaqaad ku taallaa.
Ma ogtahay Hibaaqey
in ay hamigaaga awgii
hurdadii yaraatoon
duhurkii hawaawiyo
Anoo heelkii Yurubiyo
hooy shisheeye joogaan
xalay waxaad ku hoyatiyo
hiirtii waxaad ku toostiyo
wararkaaga helayaa
Hadhwanaag mareegtiyo
Haatuf iyo wargeysyada
ayaan waxay soo habaaniyo
haddaba baal ka rogayaa
Hadhsana maayo jeeraan
wiilkii kugu habboonaa
hareeraha ka eegoon
Hoonka kaaga soo xulo
Ma ogtahay Hibaaqey
adiga horaad loo
hirka jooga aragtaye
inaad beri habowdoon
waayo aan ku haybshoon
inta habar dugaagiyo
haaddaa cirkoo idil
hilib aan wadaagnoon
ku maray huq oo idil
Ma ogtahay Hibaaqey
in aan hanfi iyo kulayliyo
holac iyo rasaasiyo
kuu maray harraad badan
Ma ogtahay Hibaaqey
adiga oon hadaaq baran
oo dhabta hooyadaa yaal
oo aad hadhqodaalka jiiftaan
inay hoobiyaha baas iyo
howsar nagu rideenoo
ooy hantideenii boobeen
Ma ogtahay Hibaaqey
waan heedadawnoo
hantideenii dhacantaye
markii aad ham weydeen
in naaskii hooyo kaa gudhay!
Ma ogtahay Hibaaqey
markii aad hiqlayseed
gaajada la hooyataba
inaan hilib bakayliyo
haragiisa kuu dubey!
Ma ogtahay Hibaaqey
hubkii ugu cuslaa iyo
diyaaradaha haadiyo
markii holacu kugu baxay
inay habar iyo dhasheedii
intay kala hallaabeen
ay kala huleeleen
Ma ogtahay Hibaaqey
xaggee baan ku hiran iyo
habeen socodka mooyiyo
in hadalkii samaa iyo
haasaawihii go’ay!
Ma ogtahay Hibaaqey
in aan halhaleel dhaqaaqnoo
heelkii Burcaadiyo Hargeysaba
ka yaacnoon hawdkaa ku noolayn
Ma ogtahay Hibaaqey
hooygeenii inuu dumey
oo aan meel habaas weyn
iyo Hartasheekha kugu furay
Ma ogtahay Hibaaqey
in herdankii colaadeed
kumanyaal ku hoydeen
kumanyaalna heermeen
kumanyaal hadaafsheen
oo ay hugoogii tuureen
oo ay weli hadraayaan
Ma ogtahay Hibaaqey
in aan hanashadaadii
marba hooyo hoogtiyo
hengel iyo dhibaatiyo
hoogeeyda dumarkiyo
hawl adduunnyo soo maray
Afartaa ha’leyda ah
haddaan hoos u sii hulo
oon hinjiyoo ku sii daro
waa gacalkii is heeriyo
hurintii colaadeed
hagardaamadeedii
waana hogo tusaalayn
iyo heer la soo maray
mudadii la heernaa
ee inta habar dugaagiyo
halaqyada dhul jiifiyo
haadku nagu cashayn jirey
waana hadalkii waayeel
iyo taariikh kaa hadhaysnayd
iyo halgankii la soo maray
u hilaadintiisii ee
halmaamin abidkaa
Haatanna Hibaaqey
waxan kugu hilaadshaa
heerkii guurka weeyaan
Hadduu Eebbe hidiyana
haasaawe wiiliyo
hanashada carruurtiyo
hooy baad geleysaa
ee hal baa iga dardaaran ah
Inantii hannaan wacan
ee haanshaarta suuqyada
raggu waw haliilaa
ee hugii dumar lahaa iyo
hiddaheenii soo xadho
Hab ku sii dushoo idil
hororada wax hiigiyo
halaq iyo abeesiyo
ha u daganin haawey
hilbahaaguun raba
Halna waxad ogaataa
in nin waliba haabiyo
qorshe hoos u jeedoo
hablo loo samaystiyo
hannaankiisa leeyahay
Haasaawe beeniyo
heemaalka quruxdiyo
hanti jeeb ka buuxdiyo
habeen aad cashaysiyo
waxaan heemis dhaafeen
ninna yaanu kugu hodin
Hebadkii la nuugiyo
haye dhow ha noqonine
hal adayg la hoowow
ee iska eeg hantaaqada
iyo godadkaa hadoodilan!
Bal aan kuu hilaadshee
raggu waa kun haybood
kala haabna weeyaan
hanad iyo hacoobaa
labaduba ku haybshaan
ee talo kaa habowdaa
huq dambay ku gelisaa!
Nin aan diinta lagu habin
oo ay waalidkii habaareen
ayuu hooyga kula gelin
Hor Allaba ninkaan baran
oon diinta kala hufkeediyo
cilmi haadintiisaba heersare
ka dhiganee halihiisa raacdaa
ayuu hooyga kula gelin
Higgaadaba nin aan baran
oo habeedii ku taallaa
ayuu hooyga kula gelin
Ma hambeeye haamaan
wali qaba hamuuntoo
afku haan ka weyn yahay
ayuu hooyga kula gelin
Ninka haanta buuxsadey
ee hadhuubkiina dhamayee
hambadiisa cunayeen
ubadkaaga hananayn
ayuu hooyga kula gelin
ninka ah habeen dhaxa
ee uu hir kale muuqdaa
waa haasaawe beenlee
ayuu hooyga kula gelin
Kuwa gala hudheelada
ee hablaha uun ugaadhaa
ayay hooyga kula gelin
Ninka jeega haystee
raganimo ka hoogey
hidinaaya laaluush
ayuu hooyga kula gelin
Hanfadaha aan wax hubinee
ee hilinkaad maraysiyo
dhulka hoos u eegeyn
ayuu hooyga kula gelin
Ninkaan hiirta kicinee
haaddaba ka dheerayn
ee hurdadu u macaantahay
ayuu hooyga kula gelin
nacas hoos u jeedoo
hidhidhiida soo jaqa
oo hawadaa maraayoo
hugii uu xidhnaa iyo
hayluhu ka dhacayaan
ayuu hooyga kula gelin
Hulka diirran kii gala
ee harawaaji raamsada
ee shimbiraha la heesaa
ayuu hooyga kula gelin
Afar daba harooshiya
iyo hebel ay yidhaahdaan
ninka hammiggisu u yahay
waa nacaskii hacooyee
ayuu hooyga kula gelin
Markay hees u qaadaan
ka halyey is moodee
hanaqiisa tumayee
habruhu ka cuudshaan
ayuu hooyga kula gelin
dhaqankeennii hoosiyo
hiddihii ka lumayee
een hooyadaa afgaraneyn
ayuu hooyga kula gelin
Ninka dhiilka heemsheen
hambadiisa dhiganeyn
ayuu hooyga kula gelin
Ninka haybta sheegtee
kala hira dadkeennee
haanhaan u kala rara
hor Alle e ka dheeraaw
Ninkaan heegadaa
iyo hirka sare ku geyneyn
hor Alle e ka dheeraaw
Mid kasta oo habaar qaba
oo Aadamuhu ay hiifaan
ayuu hooyga kula gelin
Ninkaan horumarkaaba
haabkiisa gelinee
haaneeta tiisee
haween kale u muuqdaan
Hibaaqey ka dheeraaw
Ducaan kuu hibeeyee
hadalkayga maqaloo
halaqyada ka dheeraaw!
oo inta lama huraanee
nafta ku huraysiyo
halyeyda ogsoonow
………….
wa bilaahi Tawfiiq
Cabdullaahi Maxamed Cumar
Bolton, England- UK