Jalkii Ubadka
Afkaan jiil ku xidhay
oo juuqba waan gabaye
juqaal baan dhagaha galiyey
oo waan ka tegey jiifto oo idile
Inaan jiifo mooyiyi
beryahan Faysalow
joogba waan gabaye
Jir kalaa i haystoo
ka tegey jiifto idilkeede
intaan jeedey ayaa
dalkii jeex la iibsadaye
la jarjarey dhammaantii
sidii jeenigii adhiye
jilmad iyo tafaariiq
ragbaa jaad walba
u galaye
Jamhuuriyaddii oo rag
kala jimdhaday baan arkoo
hurdada jaaw ka soo idhiye
Jalkii ubadka niman baa
jaqoo jeebka buuxsadaye
jawaanno ayaa lagu gurtaa
wixii jeeb ka soo hadhaye
Jarmalka iyo waxa la geystaa
meelo loo jiraye
lagu jeexay daaree
miyaan cidiba soo jeedin?
jeegag baa loo qoraa
waliba jaahil xoogsadaye
jeebkaa lagu shubtaa
Faysaloow wixii jaad
ka soo hadha
ubadkiina wuu jashay
oo wada jaqaaqleeye
badh baa xabagta uun jiida
oon anfaco marin jidiinkaase
jirka qaar baan hoy ka gelin
iyo dhaxanta jiilaale
Jarar baa qodan jidadka
boodhku joogsado e
wuu jinqaday qofkii jilicsanaa
oo juuqba wuu gabaye
jaangooyo ma leh oo
qorshihii wuu kala janjeedhaaye
jihadii ka lumiye oo
dalkii jiiro sare raacye
Jaamacadaha kuwii qalinjabshee
cidi jihayn weydey
badahay jibaaxeen
sidii jeerta oo kale
jilibjilib baa dadkii loo jarjaray
iyo jeeni iyo qaare
jaahiliyadii baa lagu ceshiyo
jab ay ka doogeene
jiidhkii is dhalay bay kala jareen
oo ay kala jiheeyeene
jigrahay isugu dhiibayaan
jiidhkii wada yiile
Jananaaradii ina Siyaad
baa talishiyo
jiil xun oo kacaye
Lafaheeda kii jabaya
ayay jago u dhiibaane
jiidhdamaqsi
kii lagu arkaa
jeelka loo diraye
Juuq ninkii yidhaahdaba
afkaa laga jifeeyaa
raggii soo jihaadaa
haddeer jiilka loo diraye
Jalkii ubadka niman
baa jaqay oo jeebka
buuxsadaye
jawaanno ayaa lagu gurtaa
wixii jaadka soo hadhaye
Jarmalka iyo waxa geystaa
dhul aan cidi ka juuqayne
Jaanjaan ayay xisbiyadii noqdeen
oo way jahawareersheene
jaafaa jiriqa mooyiye
wax kale uma jihaysmaane
Jabhada sidoodii
hadday jilictamaayaane
Jalkii ubadka niman baa
jaqoo jeebka buuxsadaye
jiqiiq leeye ubadkii
aabahood jiitey waa hore
jirjirroole noqooy
Faysalow ninkay
Jinow u hooyeene
Hadba jaah la yimid
oo jabi distoorkiiye
miyaa lala jahaadaa
sidii kuwii jaaw yidhee tegey?
Ma jaawi baa lagu shidaa
iyo wixii jimanka saaraayey?
Mise jid kalaad u haysaa
waa kanoo jaankii tegi waaye!??
Kala xidhiid abwaanka Abdullahi Mohamed emailka ciwankiisu yahay timacadde56@hotmail.com