WAA TAHAY WADAAD SHARIIF, MAANTANA MAXAAD TIDHI?
“Waa tahay wadaad waddankii dhammaa waxyar siisatee, Waa tahay wadaadwaxdambood cuntaa waa kaa wallee; waa tahay wadaad wadadii caddeyd naga weecisee! Waa tahay wadaad naga weecisee; waa tahay wadaad wan dambood cuntaa.”
DHEGIHII ALLAH WAANIYAA WEEDHA KAA MAQLEE?
Haddii Zabuur, Towrat, Ingiil, iyo Furqaan intaba loo cuskado Walaweyn kolaba waxba kaga dheecaamimaayaan sabatuna waxay tahay kuwii ka horeeyeyba weynu usoo joognay oo mid sided u jirta oo ah haddee wiilku tubtii adowgii ayuu ku talaabsan. Waxa kale oo iyana wadaadka ku soo maaxeysay tu kale oo la yidhaa: Qofka Qowm afartan maalmood la dhaqmaa ka mid buu noqdaa- Afkii waxbaa ugu biniin, dhaqanka waxbaa kaga sibqan, caadooyinkan koleyba badhkood wuu la guryo noqon. Qowmiyadda Carbeed ayaa dhaqan u leh kuna heshiiyey in aanay abidkood mowqif mideysan ku wajihin xaalaad kasta oo la soo deristay. Walaweyntu waxay halkaa kala midyihiin Carabta oo talo intay isugu yimaadaan weligood ku heshiinmaayaan, waxeyse ka mideysanyihiin ku hadaaqa midnimada Soomaaliyeed waa lama taabtaan [MUQADAS], wamaa idraakum ul-Muqadas!!
MAALINTAY BAXDAY WAA TAHAY WADAAD?
Waxaan qeybtii horey ku soo tibaaxay in 1961 wadaadadii reer Somaliland ka qeyb qaateen ololihii loogu codeynayey mashruucii isxambaarka ahaa ee Distoorka/Shuruucdii Midowga Somaliland iyo Somalia. Horraantii 1961 markii ololuhu bilaabmay ayaa habeen laba Sheekh oo magacyadooda la odhan jirey Sheikh Muxumad Indhataag [Alla ha u naxariiste] iyo Sheekh Faarax Wadaaje[Alla ha unaxariistee] ayaa dadweynaha Hargeisa meel fagaara ah oo u dhoweyd makhaayad uu lahaa nin la odhan jirey Tuyuub, hadal uga jeediyeen iyaga oo dadka ku guubaabinaya in isxambaarka loo codeeyo waxayna cuskadeen in aanay dawladii distoor la’aantii hawlaha loo igmaday hirgelintoodu si weyn ugu adkaanayso. Nin ka mid ahaa dadweynihii dhegeysanayey khudbaddii labada Sheekh ayaa hadalkii u adkeysanwaayey, xabad jaajuur ah jabkeed ayuu ku tuuray Sheikh Muxumad isga oo ku dhawaaqaya: Waa tahay wadaad waddankii dhammaa wax yar siisatee. Tuuryadiina waxay laabta kaga dhacday Sheikh Muxumad oo waxoogaa nakhaskii ku dhegey inkasta oonu Sheekho waxba noqon. Dareenka u qabay ninka tuurayada gestey wuxu ahaa mid guud ahaan ummadda reer Somaliland la qabtay; wuxu ahaa mid ka tarjumayey diidmadii dadweynuhu ka muujiyey midowgii la dhoobdhoobayey ay Soomaali koonfureed ugu talo gashay in ay ku dembabesto duudsigii ay kula kaceen walaalohood reer Somaliland. Sheekh Faarax Wadaaje oo ka qayb galay gurmad qaboojinta dagaal laba beelood ku dhexmary Haudka Hargeysa ayaa jidgooyow lagu dilay.
Wadaadadu berigaa waxay la baxeen magac la odhan jirey “ANSAARUL- DDIIN.” Halkaas ayey kaba caddii ka amba qaaday oo waata markii dambe heesta noqotay. Haddaba haddii beriga qofka cadhoodaa dhagax ama jaajuur ku tuuri jirey wadaadadii xiligaa, manta wadaadadii oo ku gaashaaman nooc kasta oo hub ah ayaa maanta dadweynihii gumaadaya. Waa duni la dhalan dooriyey oo minjihii loo rogay oo madaxii hooseeyo, waa astaamihii qiyaamaha.
AFTIDII ISXAMBAARKA “DISTOOR/XEERKII MIDOWGA JUUN 20, 1961
Haddii laba dal oo Soomaaliyeed xoroobeen 26th Juun, 1960 iyo 1st Juulaay, 1960, jeceysteen in ay midoobaan 1st Juulaay, 1960, miyaan marka hore laga sii tabaabulsheysan xeerarka iyo qaabka loo midoobayo? Sharciyadda lagu midoobayo? Iyo Shuruudaha lagu midoobayo? Su’aalaha haddii la isku dayo in laga jawaabo waxa caddaanaysa in aan ahamiyad gaar ahaba arrinta la siin sababtoo ah midaynta laba dal waxay u baahantay muddo lagaga baaraandego iswaafajinta xeerarka iyo shuruucda labada dal madam ay ku hoos jireen laba nidam gumeysi oo dhaqanadoodu aad u kala gedisan yihiin. Waxa keliya ee dhisnaa wuxu ahaa laba dowladood oo qaab dhismeedkoodu dhamaystiranyay: Madaxweyne, iyo Wasiir koowaad, laba Gole Sharci dejineed, laba Gole Wasiir, laba Distoor Qaran, iyo hal Xeer Midow oo ah kii Somaliland ee Golihii Wakiilada Somaliland ansixiyeen 27th Juun, 1960.
Laba dal oo ka xoroobay laba maamul gumeysi oo dhaqanka iyo xeerarkoodu kala duwanyihiin midayntooda si loo maareeeyaa aad ayey u adagtahay haddii aan marka hore laga baaraan degin iswaafajinta distoorada iyo shuruucda ka farcanta, midaynta maamulka guud, dhaqaalaha, caddaalada, waxbarashada, Ganacsiga, Bangiyada iyo Lacagaha, iwm. Hadaba iyadoon wax daraasad cilmiyeysan ah la samayn ayaa wakhti kooban gudihii la damcay in wax loogu yeedho “Jamhuuriyad Soomaaaliyeed” la dhoob dhoobo. Halka sartu ka qudhuntay waxay ahayd khaladaad farabadan oo dhacay maalinataa bisha Juulaay 1dii 1960 ayaa markale khaladaad kuwii hore ka sii daran la doonay in wixii khaldamay dib loogu saxo. Waxa isweydiin mudan Distoorkan iyo waxan hoosta kaga lifaaqan ee sannad ka dib ummadda loo soo badhigay muxuu ahaa? Dalku wuxu u diyaargaroobayey sannad guuradii kowaad ee ka soo wereegtay maalintii gobanimada la helay. Halka ay caynka iyo baydu ka go’day qaybaha dambe ayeynu ku iftiimin haddii Allah yidhaa.
Maanta halka ha inoo joogto.
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse: asabeyse@hotmail.com