Waxaynu hore u soo sheegnay in kooxaha hadda koonfur Soomaaliya xukunkeeda ku hirdamaya, kuwii ka horeeyey, iyo kuwa ka dambeeya intuba waxa ay ka midaysanyihiin midnimo Soomaaliyeed oo muqadas ah, waxayna liqila’yihiin, u cuntami la’, kana degiweydey in ay yaqiinsadaan in xabagtii midnimada isku heysey meesha ka baxday. Taxanahan waxaynu ku soo bandhigidoonaa sidii loogu hungoobay himiladii laga lahaa shantii gobol ee Soomaaliyeed in meel la isugu keen, Qaran iyo calan u gaar ah wadaagaan, ka dibna qowmiyad Soomaaliyeed ka mid noqoto quruumaha ku dhaqan geeska Afrika. Alla wixii wacanbaan wed laga Karin, isweheshigeedu wanaagsanaayaa!
Inkastoo Ilaahay Qura’anka kariimka ah ku sheegay “Wash-shucaraa’ yatabicahum al Qaawuun” ayaa muddo hadda ay ka soo wareegtay boqol sannadood iyo dheeraad ayaa nin gabayaa ahaa wxu yidhi:
•1. Allaahu akbar eedaanku waa afkiyo beene’*
•2. Ashahaaday gaalkuba se wa ehelu naarkiiye’*
•3. Ubo weyso waan kugu arkaa agab salaadeede’*
•4. Eedaana waan kaa maqlaa oogta waaberiye’*
•5. Ashahaado beenloow maxaa aafo kugu aasan*
•6. Hadduu uurka ka jiro kaama orodneene’.
Hadaba manta waxaynu aragnaa dareenkii ninkaasi qabay oo run noqday mar haddii wadaadkii lagu ogaa kitaab Alle u xuubsiibtay dagaal ooge ummaddii Soomaaliyeed uga waakaday in ay sal dhigto, waxase la isweydiin halka ay ku dambeyndoonto.
DHALASHADII JAMHUURADDII SOOMAALIYA
Haddii “Jamhuuriyad Soomaaliyeed” oo laba dal ku midoobeen dhalatay 1st July, 1960, maxay ahayd baahida keentay in sannad ka dib afti loo qaado Distoork/Xeer Midow? Sharciyadda laba dal ku midoobayaan wax waajib ah in loo maro qaab labada dal heshiis ku yihiin oo si cad u qeexaya shuruudaha iyo shuruucda midayneysa; madama heshiisku yahay laba geesood waxa lagama maarmaan noqoneysa in heshiisku waafaqsanyahay xeerka caalamiga ah ee la xidhiidha heshiisyada Laba geesoodka ah. Halka muruga iyo ismaandhaafku ka jiraa waa sharciyadda lagu meel mariyey
israacii labada dal iyo qaabka la adeegsaday.
HABEENKII 30TH JUNE, 1960:
Habeenimadii ay Soomaali konfureed u diyaargaroobaysey xoriyadeedii, ayaa waxa soo shaac baxay xeer labada dal ku midoobaan oo ku qorna Afka Talyaaniga, hase ahaatee tarjumaddii ku lifaaqnayd ee Af-Ingriiska ku qornayd si weyn u khilaafsanayd nuqulka Af-Talyaaniga. Xeer Midowgii Somaliland lahayd meeshaba laguma soo bandhiginsoo shaacbaxa arrinta ka dib, ayaa Golihi xukuumadda Somaliland wuxu go’aansaday bishi Juun 30th 1960 qodobadan soo socda:
1. In aan la saxeexin “Xeerka Midowga SOMALILAND IYO SOMALIA.”
2. In xeerka midowga mabda’ ahaan la ogolaado, aanse la saxeexin;
3. In labada dowladood [Somaliland iyo Somalia] diyaariyaan xeer
Labada dal ku midoobaan;
4. IN Xeerka midowga labada dal la hor geeyo labada Gole sharci dejineed
si kama dambeysna loo Ansixiyo.
QAABKAY U QORNAAYEEN WIXII LAGU HESHIIYEY
Waxa iyana xussid mudan in aynu ogaano in Xeerkii midowga labada dale e laga soo diyaariyey dhinaca Somaliland iyo qodobada mabda’ ahaan loogu heshiiyey intuba waxay u qornaayeen qaab laba gesood ah waxayna ahaayeen:.
•1. Heshiisyo laba geesood ah; “Bilateral Agreements.”
•2. Heshiisyo mabda’iyan la isugu raacasanyahay; “Agreements in principle”;
Kolayba waxa hubaal ah in aan Heshiis Mabda’iyan ah iyo Heshiis laba geesood ihi isku awood ahayn marka laga eego dhinaca sharciyadda. Iftiiminta arrimaha waxaynu u dhaafi garyaqaanada aqoonta u leh. Iyadoo sidaasi jirto bal an is weydiino Sua’aalahany: Ma jiraan heshiisyo kama dambeys ah oo labada dal isku raaceen? Noocey ahaayeen? Xilima ayey dhaqan galeen? Ayaa labada dal wakiil uga ahaa goobtii heshiisyada lagu saxeexay?Jawaabta oo kooban waxa weeye: Wax heshiisyo ah oo la isla meel dhigay haba yaraate ma jiraan oo waafaqsan sida uu qeexayo xeerka Caalamiga ah ee Heshiisyada laba Geesoodka ah. Heshiisyada laba geesoodka ah ee laba dal ka dhexeeya waa in laga dheehdaa arrimahan soo socda:
•1. Cidda labada dal uga wakiilka noqonaysa ka qeyb galka diyarinta, gorfeynta, iyo dhaqan gelinta heshiiska
•2. Magaca iyo nooca heshiiska-Ganacsi, gaashaan dhig, dhaqaale iwm.
•3. Wakiilkuna waa in heystaa caddayn muujinaysa in loo igmaday hawsha
•4. Caddayntu waa in ay ahaato mid ka soo baxday hay’ad distoori ah sida Madaxweyne dal ama Wasiir Koowaad, iwm.
•5. Qodobada heshiisku waa in ay waafaqsanadaan Xeerarka Caalamka lagaga dhaqmo
* 6. Waxa iyana lagama maarmaan ah in heshiiska kama dambeysta magacyada, saxeexyada, iyo goobta intuba ka muuqdaan.
F.G: Hadba heerka heeshiisku yahay iyo noociyaddiisa ayey ku xidhantay cidda kama dambeysta saxeexaysa heshiiska, hadduu heer Qaran yahay waxa dhici karta in laba Madaxweyne qalinka ku duugaan; ama Madaxweyne iyo Wasiir Koowaad; heer wasaaradeed haddu heshiisku yahay waxay heshiisyada saxeexa hadba labada wasiir ee ay khuseyso; heshiisyada qaarkoodna waxa dowladuhu u wakiisahaan Danjireyaasha.
DISTOORKII KOONFUUREED IYO MIDOWGA LABADA DAL
Dhammaadka Distoorkii Koonfur Soomaaliya ayaa waxa ku qornaa shan qodob oo dheeraad ah oo u dhignaa: “Transitional and Final Provisions” ama Qodobo ku Meel Gaadh ah iyo Kama Dambeys ah. Qodobka Kowaad, faqraddiisa labaad ayaa qeexeysa Fulinta Awoodo Ku Meel Gaadh ah, waxanu u qornaa sida soo socota:
“Ka dib marka la saxeexo heshiiska Midowga Somaliland iyo Somalia ayaa Golaha Wakiilada qaranku si deg deg ah udoorandoona Madaxweyne ku-meel-gaadh ah si waafaqsan Distoorka Soomaaliya qodobkiisa 70, faqraddiisa 2; Madaxweynahaas oo xilka heyndoona ka hor inta la soo dooranayo Madaxweynihii u horeeyey ee dalka, amaba la dooranayo Madaxweyne ku-meel-gaadh ah oo kale sida uu qeexayo qodobka IV, faqradiisa1 ee qodobada ku meel gaadhka iyo kama dambeysta ah.”
Qodobkani waa mid muhiim maadaama uu sheegayo in laba dal oo la yidhaa Somaliland iyo Somalia ay xeer ku midoobayaan, dhaqan gelinta xeerkaasina ay ka hormarayso doorashada madaxweyne ku meel-gaadh ah. Qodobadan shanta ah ayaa ahaa qaar mar dambe lagu lifaaqay distoorkii koonfureed oo mudo khubaro tgalyaani ah iyo qaar Qaramada Midoobay ku caawisay ka soo shaqeynayeen.. Haddaba su’aasha meesha ku jirta ayaa ah: Madaama qodobkani saldhigiisu meel marinta xeerka labada dal ku midoobayaan, sida uu qeexayo ma loogu dhaqmay? Jawaabta oo koobani waa MAYA, sabtuna waxay tahay: Iyadoon la isla meel dhigin hashiisyadii labada wadan ku midoobi lahaayeen, ayaa habeenimadii 1dii Juulay, 1960, koonfur Soomaaliya oo magac la yidhaa “Jamhuuriyadda Soomaaliya” ayaa noqotay gobolkii labaad ee gobanimadiisii hela.
1ST JULY 1960 WAABAA BERYEY BILICSAN!!
Halkaa markay arrini marayso, ayaa subaxnimadii Juulay 1dii, 1960 labadii Gole Sharci Dejineed mabda’ ahaan isugu raaceen dhalashadii “JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA” Isla fadhigaa laftiisa ayaa labadii Gole MD. Aaden Cabdille Cismaan Dacar u doorteen madaxweyne ku-meel gaadh ah. Waxa xigtay in maalintaa 1 Juulay, 1960 ayu Md. Aaden Cabdille Cismaan wareegto madaxweyne ku meel mariyey “Xeerka Midowga Somaliland iyo Somalia-Wareegtada Tirsigeedu aha: 1 ee 1st Juulay 1960.”
Su’aal: wareegtadaa madaxweynuhu iyo distoorkii koonfur Soomaaliya ma is daboolayaan? Dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee isla wareegtadu ka dhawaajisay iyo distoorka la dhaqan geliyey ma iswaafaqsanyihiin? Intaba jawaabtoodu waa MAYA. Sabatuna waxay tahay: Distoorkii koonfur Soomaaliya ee 1 Juulay 1960, qodobkiisa 63, faqradda seddexaad ayaa u dhignayd:
“Haddii aan xeerarka wareegtoyinka ah muddo shan maalmood gudohood ah loogu bedelin xeer, waxa lumidoona ku dhaqankooda laga soo bilaabo maalintii la shaaciyey.”
Wareegtadan oon distoorkii koonfurta laftarkiisa waafaqsanayn iskeed ayey isu burisey maxaa yeele shan maalmood gudohood Goliha Sharci dejinta laguma hor geyn si xeernimadeeda loo ansixiyo. Sida taariikhda ku xussan mudadii u dhexaysay 1960-1965 dalkii la isku odhan jirey Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa lagu maamuli jirey Wareegto madaxweyne[Presidential Decree], Wareegto Sharci dejineed [Legislative-Decree], Xeer Barlamaan[ Laws], Wareegto Wasiir [Ministrial-Decree] iwm.
Maantana halkaa ha inoo joogto,
Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse.
asabeyse@hotmail.com