Somaliland Political Analysis
Somaliland: a stable democracy in Africa!
18 May 2010 Xuska Xornimada Somaliland ee Toronto iyo wacdarihii ka dhacay

795_84.jpg
795_56.jpghappy18may.jpg

795_1.JPG

Waxaa habeenki sabtida ee bishu ahayd May 22 2010 ka dhacay magaalada Toronto ee Dalka Canada Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanad guuradii 19aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Jamhuriyda Soomaaliland .Xafladaasi o ay ka soo qaybgaleen ugu yaraan 1200 qof Somalilander ah iyo marti sharaf badan ayay ka mid ahayeen siyaasiyiinta iyo saxaafada Canada sida CBC-SRC Radio Canada, Carribean Connections.Sido kale Hadhwanaag News iyo DjiboutiNation.Ugu horeyn waxa furay hadalka Mudane Khadar Ciise oo ka ahna gudoomiyaha ururka Somaliland Canadian Society .Kadib waxa ka hadlay o khudbadoo ka jeediyay madasha Mudane Cusmaan aw faraax, Maxamad Bergeel,iyo jiilasha dambe oo kala ah Qasim Wacays iyo Ayadi Ibrahim.Abwaan Cabdi Cabdillaahi oo ah Gudoomiyaha Ururka Hal Abuurka Somaliland aya isaguna maanso cusub soo bandhigay. Waxaa kale oo xusid mudan ciyaar dhaqameed aad u qurux badan oo ay soo diyaariyeen dhalinyarada reer Toronto ee Somaliland oo ku saleysna hidaha iyo dhaqanka Somaliland. Sido kale fanaaniinta C/Jabbar Al Khaliiji,Axmed Diyaar,Shamis Qardajeex,Kooshin ayaa bandhig faneed layaable la yimid madasha xuska sanadguurada lasoonoqosada xornimada Somaliland oo 19th jirsatay.

795_12.jpg795_21.jpg

795_36.jpg 795_71.jpg

Maskaxda xafladan waaxa iska laha dhalinyarta Reer Somaliland ee Toronto oo kaashanaya ururka Somaliland Canadian Society iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ee magaladan Toronto.Waxa wacdaro ka muujisey oo qudbad qiimo iyo qaayaleba us oo jeedisay Jaliyadaha qurbajoogta Somaliland Marwo Suhuur Xasan Abiib waxa ku haboon inay u qabtaan dalkii oo hadaan in yar ka soo qaato dulucda hadalkeeda ah :inaynu wada nahay ambasadorada dalka Somaliland oo aynu iibino wadankeena.Waxay kale oo ay u sheegtay in uu dalkeenu u baahanyahay horumar oo aynu inaguba nadaba ka sameysanahay ictiraafukuna iskii iskaga iman doono.Waxa kale oo layaablahaa in Suhur ay la soo xihdhidheen qayb ka tirsan CBC (Warbaahinta Canada ) kana codsadeen in ay ka waranto guud ahaan xaalada Soomaaliland .Madaama ay fitgaraynayso profilka dadka Somalilanderska ah ee 20 sano qurbajooga ah dalkoodiii iyo dadkoodina wali ay iska warhayan.Ugu dambeynti waxay u fasishay inay Somaliland tahay One Family amaba Hal Qoys, caawana ay meel wada fadhiyaan una dabaldegeyaan xornimadoodi.

795_27.jpg795_73.jpg

Sidoo kale Xildhibaan Derek Lee iyo Xildhibaan Jim Karygyannis oo meteleya Barlaamaanka Canada ayaa shahado sharaf gudoonsiyay Jaaliyada Somaliland waxaana ka gudoomay shahadadaas xidhiidhiyihii xafladaasi Mudane Cilmi Ciise Gaboobe oo ah wiil dhalinyara ah laguna yaqanoo in uu si weyn oo aan gabasho lahayn hadh iyo habeen ugu ololeeyo ictiraafka raadiska Dalka Somaliland .

795_91.jpg 795_11.JPG

Guntii iyo gebogabadii anaga markii noogu dambeysay xafladaasi waxay ku dhamaatay farxad, iyo rayn reyn Ilaaha weyna waxaanu ka baryaynaa inay dooraashada ku beegan 26th ka June oo ah maalin weyn ay si fiican inoogu dhadhco ,inshalla ictaraafna helno inagoo nabada.Ameen.795_84.jpg795_57.jpg795_16.jpg
795_22.jpg 795_25.jpg 795_32.jpg 795_45.jpg 795_591.jpg 795_96.jpg

10 Comments
ahmed ali farah

i want to know more about the challenges of the recognition of somaliland

Posted at May 12th, 2010 - 5:40 am
Trackback URI |
mohamed iid ali yusuf

rayaale wadanka dib u dhiciisa isagaa usabab ah

Posted at May 18th, 2010 - 4:10 am
Trackback URI |
mustafe

waxaan ku faraxsanahay aad iyo aad sanad guurada 19 naad kasoo wareegtay xiligii ay gooni iskutaaga jamuuriyada somaliand waxanan lee yahay hambalyo hambalyo

Posted at May 18th, 2010 - 6:09 am
Trackback URI |
mustafe

393458496658

Posted at May 18th, 2010 - 6:09 am
Trackback URI |
axmed jamaac

somaliland guul marka hore waaxan halkan ka salaamayaa shacabka somaliland meelkasta oo ay dunida ka joogaa waxaa leeyahay guullaysta oo horumar goodha sanadkan sanadkiisa ilaahay haydinku goodhsiiyo barwaaqo iyo bashbash ioy citiraaf buuxa

Posted at May 18th, 2010 - 8:46 am
Trackback URI |
axmed jamaac

somaliland guul marka hore halkan waxaan hanbalyo iyo salaan aan lasoo koobi karin
uga dirayaa shacabka somaliland maalkasta oo ay dunida ka joogaan waxaan leeyahay
sanadkan sanadkiisa ku gaadha barwaaqo iyo bashbash iyo citiraaf buuxa byyyyyyyyyyyyy

Posted at May 18th, 2010 - 8:51 am
Trackback URI |
abdirizak moh'ed hassan

waxa aan aad iyo aad ugu faraxsan ahay sanad guurada 19aad somaliland

Posted at May 18th, 2010 - 12:06 pm
Trackback URI |
Noora Abdilaahi

Providing all possible support in order to get international recognition, and to meet the aspirations of our people decent, and all Happy new year

Posted at May 19th, 2010 - 4:17 am
Trackback URI |
nimco

waxaan ku faraxasanaha nashnaalatigayga iyo wadanini madayday iyo sidaan ugu barabaarin iyado dawlad kale ay naan wada tashan waayo marakaan dhashay ee aan garaad saday waxaan ku garaadsaday inago le calan iyo qaran layidhaahdo somalilanda waxaanu ka naiib wacan nahay dad kii dhashay 1991 iyo kuwayagi kadan beey waxaanu ka nasiib wacanahay ku wii somamaray talis yada dawoladaha kale waayo dhagahayaga iyo idhahayaga waxay kudilaacee somalilanda marka waxa loo bahan yahan in aanu kasi xaga jirno xaga dabaal daga iyo xag walba waayo waanu nasiib wacanahay

Posted at May 12th, 2011 - 5:48 am
Trackback URI |
nimco

somalilan socdaasho samadada dusheenyo xidigahay ku socta sonoqona mayse ki sugaayayow samir maan shalaaha ihlaahay wacana ilaahay daayin sana dad abuur badana somalilan na caqli badna saa waxay iska so reebtay cadawgi donayay in ay la lug ahate maxaa caqli lagu abuuray maxaa calimi lagu horjooga maxay culimo iyo cuqaali maxay cimrigoodi ku waaye maxay naafiyo haween noloshoodi kuwaayen maxa geesi aan la,ogayan guul soohohayay maxaa dhalin yarodadaasho laxaad koodi beesho isgu maqlaaye imsa miyir kodi waayo isguun garaanaye imisa dhalaan dhirta lagaga carooro dhurwaagu cune waxaaso dhiba waxa loso walo samye waxay ahayad in calan nalo sameyo kafoogaano bulugla isba anaaga taagon uu adkaynay dhibaha marki lagu dhawaaqay halki lagu abuure asaasiki noloshiki lagatagay casimada hormarinta habaynta hagaajin ee somalilanda hadan ku daro mageeceda waa hargasa hadh waang marki matadai iyo caruurti toban toban loo bireeye uu garan waa yay xaq dhawr kaymudan yihin waati latuure geesiyadu uhalgamay calaan

Posted at May 12th, 2011 - 6:44 am
Trackback URI |

Pages

Bathrooms, Indoor Lighting & Cyprus Villas