Somaliland Political analysis
Somaliland: a stable democracy in Africa!
Guubaabo Wadaninimo iyo Fariin ku socota Xisbiyada Qaranka JSL

Guubaabo Wadaninimo iyo Fariin ku socota Xisbiyada Qaranka JSL

jiidahore00.jpg

Xisbiyada qarankow xaajadan murugsan xal looma waayine xeerka ku dhaqma oo xushmeeya.Wadanimo waxay ku jirta Mandeeq oo la daryeelo.Hantaqada badan oo laga dhowro,habeedana laga fogeeyo.Hadaba Hebel iyo Hebelow ma hanan kartan Somaliland oo dhan? Nimanyahow diyaar ma uu tuhiin tartan ku saleysan nidaam dastuurka iyo rabitaanka shacbiga waafaaqsan.Doorasho ay ka reeban yihiin is barbar carar,cay,aflagaado,awood uu sheegasho,isqabqabsi,isqadarin la’an iwm kuwaaso sumcada dalka wax weyn u dhimaya hadii ay sii fogaadan? Maxaa idinku dawgalay yoyotankan intaa le’eg tolow.Malaha waad ilowdeen aduunki inuu tuulo yar noqday oo calaamkii idin daawanayo.Mudo badan ayay Somalilanderska intisa badani (silent majority) ka amuusnaayeen xaalaadan doorashada iyo murankeedan badan ee ku wajahan oo jahawareeriyay guud ahan dalkeena hooyo.Run ahaanti hagardaamooyin aan loo baahnayn ayaa soo gaadhay geedi socodka dimuqradiyadeenan curdinka ah.Inkastoo ay xisbayada badani horumar yihiin marka loo eego dalalka deriska iyo badi afrikadaba hadana way muuqata in aanay isku dheelitirnayn awoodaha goolayaasha sharci dejinta,maxkamada dasturiga iyo awooda fulintu sidii loogu talagalay inay uu dhexdexaadiyaan una shaqeeyan Danta Ummada.Sido kale saxafada madaxbanaani way inagu cusub tahay.Hadana sida loo jabanyahay ayaa loo dhutiya baanu islahayno wax kheyr ah uunbaanu niyada ka sugaynayee tolow xaabadan iyo gaaskan aad shidaysan beryahan dambe walaal miyaad ka daysaan buqcadan yare aynu wada kulaalno. Meeye wadatashigi iyo isutanaasulkii aanu iidinka baranay ileen waxa hubaal ah hadaynu doorashadan sii qurux badan uga gudbiwaynoo sidii kuwi hore kala duwanaa ictiraafki aynu ku taamaynay mudo badani in uu meesha ka sii fogaadoo ayuunba imanaysa.Hadanu nahay dhalinyarada qurbajooga ah ee weli uu helan Somaliland kuna xisaabtamaya mustaqbalka dhow in ay ku soo gurya noqdaan caradeena wanagsan, horumarka dalkoodana si sharaf leh uga qeyb qaataan waanu la yaaban nahay xaalada siyaasadeed ee dalku maanta maraayo.Waxaa la yidhi awrba awrka ka horeeyu socodkiisa yeesha ee ma sidan baad dhaxal siyaasadeed nooga tagaysaan. Idinko kaliyana dalka maydaan xoreysane qof waliba umadan halganka meel uun buu kaga jiray dhadig iyo laboodba.Nimankiinan labada xisbi noqday ee sharafti SNM.wiiqay halyaynimadiinina ka door biday laba xafladood oo kala gaar ah in lagu xuuso 6 April oo ahaan lahayd maalin qaran lona wada dhan yahay mana hoogamin kartaan hadaba ? Dagaaladii waa kuwii dhamaadee waynu ka soo kabanayee miyaynaan kawada shaqayneyn dhismaha dalka iyo danta guud midna.Mise kursiguun baad rabtaan, horta kursigan xaq baad uu wada leedihiine dhamaan xisbiyadow balse si gobanimo ku dheehan tahay ugu wada tartama walaalayaal.Xaaladahan dhexdiina kolba ka abuurmayana inaga moosa .Ma laga yabaa inta aad isku jeedan in ay imbagaathi dadkiiba badh iibsatay oo qaarkood kolba wasiiro been ah ka noqdeen muqdishana ka hawlgalan iyaagoon xaqiiqadi cidna matelin cidna wax u qaban marka laga reebo danahooga gaarka ah iyo ta dowladoo shisheeye moyaane?
Ma la odhan karaa xagjirqa al shabaab iwm inay qorshayaal umadan uu malageeyan intaad is haysateen, ee aad kala shakisnaydeena laydinkaba soo hoos toosay oo caruurtii iyo maatadii remote control isqarxisa laga wada dhigay? Ilaahay inaguma keeno wixii dhacay kol hore hadana feejignaan,talo badbaadin fiiro iyo xaasuusba waa loo baahanyahay.
Hadaan uu soo noqdo mawducii hore,madaama mushkiladu doorashada hirgalinteeda iyo farsamadeeda uun tahay mudadaynu sugaynayee kordhintii horena kaba badan tahay mudada yar ee hada ka hadhay.Ha la raadiyo hab iskaashi oo lagu furdaamiyo laguna fuliyo hawlaha doorashada qabsoomidooda mar dambana dib anay u dhicin.
Ma aragno wax kale oo meesha ina horyaala ama mabadi’ is khilaafsan oo idin kala dhexyaala toona.Hadaba xisbiyada Qarankakow ,Golaha Wakiiladow,Komishanka Qarankow,Madexwaynaha hada talada hayow, Adeerayaal Golaha guurtidow yan layna xamane idinkoo eegaya umadan danteeda hadii aad in uun haysaan lexejeclo wadanka idinkaga hadhay soo bandhiga kartidiina xalaasha ah,dadkana kasbada dariiq fiicana uu jiheeya,gacmaha is wada qabsada wada hadla,tashada si ay u timaado doorasho jawi nabadeed wadata,xalaalna ah dadkuna cidu rabo u dorto si xor ah.
Qofkii ku gulaystana hadii eebe idmo dorashadaasi thaariikhiga ee inaga soo fool leh waxaa inala gudboon dhamaanteen islamarkana la gudboon ciidi tartantayba in ay aqbalaan natiijada dorarashada lana shaqeeyan Madexwaynaha la dooron doono sidoo kale ku ixtiraamana karaamada xilka loo igmaday uuna hogaansanaadaan shuruucda dalka uu yaala.Muwaadiniinta Soomaaliilaand meel kasto ay jooganba way jecelyihiin wada jirkooda qadarinta Dinteena,Dadkeena, Dhaqankeena, jiritaanka Dalkeena iyo Dastuurkiisaba.

Gabogabadi Somaliland 18 sano ayay jirtay iyadoon wax cawiimo rasmi ahna ka helin calaamka.Haatana waxaynu rabnaa in aynu lugaheena isku taagno waayo Soomaaliland caruurteedii dhalatay 18 may 1991 “post independence generation” way wada qaan ghaadeen waxayna xaq uu leeyihin in ay ku nolaadan dal nabad,xoriyad, mustaqbal fiican iyo fursado horumar dhinac walba lihi ka jiraan, marka somalilanderkiinan naga waweyn iminkana hooganka hayow amaba kuwiinan la tartamayowba oogaada waxaydun idunku horseedaan uun bay yeeli doonan jiilaka dambe waana indunku waajib in aad banaysaan wadiiqo wanaagsan dhaxal loo aayo amaba dib loo raacona aad reebtaan.Anaguna intaa ka sokow xilalka iyo hawlaha aad umadiina u haysaan waxay doonaanba ha ahaadane inaydun ka soo bixi doontan waanu ku kalsoonahay.Raxmaankuna ha idinku garabgalo Amiin.

Waxaan kaga baxayaa Somaliland Guul iyo Gobanimo

Cilmi Ciise Gaboobe

Afhayeenka Mashruuca Rajada-Project Hope.

Toronto, April 08 2008th

Email Jiidahore@gmail.com


(required)


(required)









(required)


(required)








Post a Comment Below »
Your Name:

Your Email:

Website?

Your Comment:

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Pages

Bathrooms, Indoor Lighting & Cyprus Villas