Somaliland Political analysis
Somaliland: a stable democracy in Africa!
MAANSADII HIBAAQ by Abwaan (Poet) Abdi Abdillahi

Maansada 1aad.

“HIBAAQ”

Waxa ay ahayd maansadii furtay,silsiladii “HIBAAQ” .

“HIBAAQ” Waxay soo baxday MARCH 1ST,2009:- Waana Maanso ka kow ah-silsilad Suugaaneed oo ku saabsan Cod bixinta ku soo fool leh Somaliland haddii ay waqtiga loo cayimay ku dhacdo iyo haddii ay dib u dhacdaba: taas oo inta itaalkeda ah tadawur dadku samaynayo iyadoo aqoontu weli ay aad u kordhi la’dahay,taas oo sababtay in aan jiilka xukunada wax iska bedelay ama muuqda oo jiraa aanu jirin-laakiin loo baahanyhay in dad cusub oo da’yar, aqoona u eh shaqada iyo maamulka lagu dedalaalo sidii fursad loo siin lahaa ama loo dooran lahaa, ama ay u soo xuli lahayd dawladda markaa talada haysaa, ee ay u abuuri lahayd-laakiin aanay muuqan ahmiyadan cid danaynaysaaba-Haddaba Haddii aynu nahay Bahweynta Suugaanta

Xil weyn ayaa inaga saran Bulshadeena Dhibaataysan ee butuluqsanaysa si ay horumar u gaadho iyada oo hiigsanaysa dadyowga najaxay ee caalamka,haddaba maa daama uu inagu soo food leedahay codbixintii uugu muhiimsanayd ee marxaladda dhexe ayaa waxa inala gudboon in aynu dadweynaha ku boorino

Kuna baraarujino in ay codkooda dhiibtaan iyaga oo degan oo aanay ka seexan ama laga habaabin–gudiga doorashada iyo hawl wadeenada kale ee hawshan wadana loogu baaqo in ay cadaalad,wadaninimo iyo hufnaan wax ku maamulaan

Oo aanu dhicin wax musuqmaasuq ahi,Dawladda iyo xisbiyada Mucaridka ahina-ay xasiloonida dhawraan oo aanay qasin,iyada oo

Weliba dawladu xil iska saarayso- ilaalinta nabad gelyada Muwaadiniinta iyo Hantida Ummadda si hawshani hab sami ugu dhacdo-

Waana tan:-

—————————————————————————

pp107.jpg
Hadal hayntu weligeed

Hiyigeena weeyaan

Hoodada Ilaahiyo

Hal abuurku waa door

Wax hortaada yaaliyo

Hanka durugsan ee jira

Ama haabka soo dhow

Iyagaa Hilaabtiyo

Waxa laysku haystiyo

Hogageeda sheegee

Mar hadii la horo geel

Waa inaad hadhuub iyo

Rag u heelan haysaa.

Hawadii Magaalana

Marka food la haabtaa

Horideedu^ joogtaa

Hadba haynta eebuhu

Kugu heeriyaabaa

Rabi lagu hilaadshaa

Hadda eeg hareeraha

Waxa hooyo hoogtee

Horor uu Haliigee^

Haybyaale madhiyee

Isku soo hirani hayn

Halkan iyo halkaa eeg

Halkaad maanta joogtiyo

Hoostaada maad dayi

Ninka Hoyga joogiyo

Ka hayaamay ee maqan

Hanadka iyo Geesiga

Hirwada iyo heestiyo^

Dhulka hooyo hawshii

Markastay u simanyiin

Hilay baa go’aayiyo

Hadalkii ha joogee

Hurdan baa la filayaa

Hirdan weeye xaajadu

Halabuurka waxan idhi

Nin waliba halkow daran

Haka dego halkuu rabo

Maansadan Hibaaqee

Dadka looga soo huray

Wadnihiyo Halbowlaha

Waxan idhi dadweynaha

Hiyi^ durugsan weeyee

Hoobay hoobeey inoo dhaha

Malaa haagi mayside

Hirqo baan ku leeyahay

Haansaasahaa badan

Iyo Hooyi waalaha

Adigoo Hangoolaal

Huf ka yidhi Maraagii

Oon Hangoolku kaa jabin

Yay ku heerin hiishuye

Iska eeg hantaaqada^

Hayl hayli maayee

Markalena hoyaaliyo

Hoobaale aan dhigo

Ma ogtahay Hibaaqeey

Gabay jiidhka haahshiyo

Hawraar laguu yidhi

Oo hadalku dheeryahay

Inta haro banaaniyo

Hawo buuxis weeyaan.

Adigaan wax hadi hayn

Ama hadalka dhuuxayn

Ha yeeshee Haweeyaay

Ninba haynti kuu deeq

Ku ku soo hagaajoo

Kugu heermay adigiyo

Hoori soo hanaashaa

Yaa kuwada Haneedsada

Waana heega dunidiyo

Hogogelinta aadmiga

Mar hadaad hanweyntahay

Hebednimadu waa ceeb

Hantaaqada hortaadiyo

Haku dhicin huluulaha

Halkarkii ha beenayn

Ma ogtahay haleeladu

Marka ay halowdaba

Nin leh baa hinraagee

Hafle soo humaajiyey

Markuu hooy ka leeyahay

Halhaleelka qorigii

Haab haabayee garo

Han waxaad u leedahay

Hawraarta wacaniyo

Nin kuu heelan weligaa

Oonad hoos u soo dayin

Adigoo habaariyo

Huqi kugu timaadoo

Haydaarta mooyee

Haye baanad odhanayn

Hadhimaayo ee hoo

Haldhac haw malaynine

Yaa hagaafay ee baas

“Hayl haylimaayee

Mar kalena hoyaaliyo

Hoobaale aan dhigo”

Nin haleeyey tiisoo

Kuu heegan adigaad

Hal-dhabaale siisaa

Ninka halakadeeyee

Haladaadin jeceliyo

Hurre waaba kala haab

Rag ku soo haliiloo

Halna aan birayn baan

Hoon kuugu tumaayoo

Wax laguma haleeyoo

Hebel weeye kaasiye

Himbiriirso leeyahay

Heeraabta guudiyo

Hawo ka waran kaa hoo

Hawraarsan maahee

Go’ hilaabankiisiyo

Waxa loo hog leeyee

Loo ham iyo dig leeyahay

Waxba yaanan heebine

Hoos aan u daadego

Aan heemiyee hoo:

“Hagar laawe iyo beri

Hayb hayb xumaatiyo

Heermadkii ku soo maray

Kun kaloo la heeliyo

Iyo Heeliyow toos

Halasiyo Haraadkii

Hoobadkii ku soo maray

Halwadkii kuwada maray

Haadaanta kugu huray

Haddii aad hilmaantiyo

Hadaad heedhe haysaba

Wixii heerinkaagiyo

Hantidiiba loo nacay

Ka huleeshay hiir madow

Isku haaban waagii

Duq hagaagi waayoo

Hollin Waayey socodkiyo

Hooyo iyo Aabiyo

Hilbahaagi laga tegay

Markii haab la waayee

Naftu ay hunguri timi

Tagfi hiigideediyo

Ma hambeeye kuu hadhay

Hurdi waa habeenkii

Hiinfaadhki dheeraa

Weli hala-kadkeediyo

Humbubuuski kugu yaal

Ma ogtahay haldhayeey

Nin hayaayiraayiyo

Hambag iyo huf ma ahayn

Hool Hoona muu garan

“Hayl hayli maayee

Mar kalena hoyaaliyo

Hoobaale aan dhigo”

Ninka heedhe igu dega

Anigoo u heeloon

Haylahaaga kala wadha

Inaan hooy ka odhan karo

Hal xasuusa weeyaan*

Wixii aad la hoogtee

Aad lakala halawdee

Isku haybsan weydeen

Hoosaaso^ ma ahayn

Kolba laba is haystiyo

Hanjabaadna ma ahayn

Han Qaloocan ma ahayn

Hana qaadidaadiyo

Inaad ho-os macaaniyo

Hadh qabow ledaayoo

Hiddi aad tidhaahdaa

Hambo gurida loo cunay

Harag dubashadaadii

Holocaa ragii galay

Wadku nimu haleeliyo

Hambadoodi hiirtaan

Wiilashaa hiraalka ah

Hooyooyinkood qade

Mayagaa habaar qabay

Mise hoow-ba lama odhan

Hab xisaabtankaagii

Maxaad haatan haysaa

Hala laac ma aragtaa

Hililico hilaaciyo///

Hadda Heegadaa eeg

Hooshaaro beeniyo

Ha u dagan nin hiimoon

Adigoo hub qaad wacan

Haygu soo humbaalayn

Hammi iyo hamuuntii

Wax hawaysadkaagii

Weli heedhe muu iman

Aar soo hamaansada

Adigaa hujaliya

Ragga heelka joogee

Weli heedhe kaa hadhin

Hadba hoy yidhahdee

Kaa daya hareeraha

Hambalyaanu leenahay

Sidaasaad dar heen go’ay

Aad hunduul u tahayoo

Aad horumar gaadhee

Hanfariirku badanaa

Adigoo Hareed loo

Hangagaara waa kow

Hab hagaagsan baa jira

Hantigoosad kaasina

Hadhow yaanu kula hadhin

Hanqalaalka haw dhiman

Hanas iyo habaasiyo

Adoo hawkar soo maray

Hoos haysku soo celin

Hanfigii ku leefiyo

Ka hagaag hunu hanaa

Sida laan hareeriya

Cirka sii hunguriyee

Mar haddii hankaabada

Hidahaagu soo galo

Hibashadu ma fiicnee

Humbul waxad tidhahdaa

Horta heeco waan nacay>

Adigoon humbaalayn

Maro huluufteediyo

Horta heeryadii tuur

Dhar hagaagsan soo xidho

Mar haddii hayaaniyo

Hawshoodku soo galo

Hiyiwaale waa ceeb

Hawir yaanu kuu iman

Adigoon hawaawiyin

Hadda Hawl kar baa tee

Hogashada^ iska ilow

Ha hawaarine Soco

Weli heetin maysee

Hashu hays qaloocow

Haysimo maayey tahay

Hayl hayli maayee

Markalena Hoyaaliyo

Hoobaale aan dhigo

Dadyahaw hagaagsani

Hilinkaan^marayniyo

Hanaankaynu haynaa

Waa inaan hantino guul

Hargab yaanu kugu dhicin

Mar haddii habkeediyo

Food loo hankaabsado

Kala hadhidi weeyee

Hurdo yaanay kula tegin

Ha habsaamin subaxdii

Hoyga yaan laguba hadhin^

Odayada hangaafshaa

Ha hanaashiyaanoo

Yaanay habari soo hadhin

Haatufkaa Haleel mudan

Habradaana waa nacas.

Halayiyo habaasweyn

Ragga jooga heegada

Iyo hiilka dhagaxleey

Hudisiyo halkow daran

Himir iyo madheedhiyo

Hobhobeey ku badantiyo

Dhulka haydinkee sare

Burco hawdadkeediyo

Daalo iyo hooskeed

Hilin waraq dhigeediyo

Badda soo haacida.

Sool iyo hufnaanteed

Ku hagoogta baan idhi.

Horta may la socotaa

Inta aanad hoo odhan

Talo lama huraaniyo

Hogagaysi weeyaan

Ragga heedhe joogee

Isku kaa dul haystaa

La rabaa habkoodiyo

Kaad hee ku leedahay

Inaad hoos u eegtaa

Haye aad tidhaahdaa.

Waxan hiigsanaynaa

Hir caleen leh iyo doog

Haweenkeena loo huro

Marka laysku hagabsado

Hantidiyo naftaadaba

Hablahaa saboolka ah

Hoygaa dhisaysaan

Hubsadaan ku leeyahay

Hayl hayli maayee

Markalena hoyaaliyo

Hoobaale aan dhigo

Geelaba nin haystaa

Hirigooga halista ah

Awrka haydalka ahee

Higilkiisu weynyee

Hoobaanta dhalayuu

Halihiisa raacshaa

Hubso yaa ku hanan kara

Ha ilduufin Haaruun

Rag hashoodu huuhaa

Ugu dararto haw bixin

Haaneeda keligood

Oon hogofna kuu darin

Himilana dan ka lahayn

“Habac yaanu ku halayn

Hayb laysku haystiyo

Hiil beena haw jabin

Ma hagajiyaashiyo

Ma hambeeye haw dagan”.

Hogol baa la shubayaa

Doolar baa la helayaa

Haanfiiriistaa badan

Nina yaanu kugu hodin

Hadda hawtal hamagiyo

Haku hooban heehaab

Hay’adaha ah Dawliga

Gidigood horjoogaha

Iyo fuliyeyaal hawl

Inta hayal san ee diran

Hambag looma baahnee

Dadka kala horaan idhi

Wax habeeya baan idhi

Aan hareero qabanee

Hinjiyaan ku leeyahay.

Laaluush la hidiyiyo

Waqti baan la heli hayn

Yaan loo hadoodilin

Dadka haw la qaban karo

Lagu odhan hab-baa maqan

Kefedaa hareeraha

Halka hooda(foodka) lagu rido

Ku hagaajiyaan idhi

Ruuxaan higaad baran

Dar illaah haloo hago

Ku hanuuniyaan idhi

Halka haada uu dhigi

Halkii ugu daraydiyo

Kala heerki weeyaan

Kala haadki weeyaan

Hiinraac miyaad noqon

Nin ku soo hafeeftiyo

Ninaan heesba kuu tirin

Adigaa u kala heli

Haan la soo hogeeyiyo

Hoomaayid dheeriyo

Hoorrimaad yimaadiyo

Haaakah baa la sugayaa.

Hinqataye ha soo hadhin

“Hayl hayli maayee

Mar kalena hoyaaliyo

Hoobaale aan dhigo”

Hiyi kaca dad haystiyo

Waxan oo hayaanada

Haw soo jirkaagiyo

Hindisaha haldoorki’i

Haku soo hilooboo

Hadeer sooba hoydee

U hadheeya baan idhi.

Haadkiyo waaraabuhu

Ragga uu ka haagee

Badda halabsanaayiyo

Hablahaa hagoogta leh

Hibadaa wacnaanta leh

Hooland haybsanaayiyo

Hudhahaa na soo galay

Habsankaaga weeyaan

Dadku hawlu aadiyo

Hanti dhalinti baa maqan

Holli weeye hoobali

Miduu eebu haystoo

Hag hagaajinaayoo

Cidi hudinin baa tee

Ha habaabin baan idhi

Horaad hooriwaayoo

Hinif aan lahayniyo

Haygu noqon hashii gudhan

Hayin heeryo weyniyo

Hararkii ku badan yiin

Iyo haamo wada culus

Hogaan qabashadiisaa

Hadateeli kicidaa

Horeda u tusmaysee

Horgaleey horyaal noqo

Hurimaha hirdamayee

Haya cala falaaxiyo

Huudna isku haystana

Iyagana hubsiimiyo

Nin ku haybsha ku ogow

Sida siiro uu huray

Hal wanaagsan weeyee

Hadda miyaan helaynaa

Mise heerar baa dhiman

Sida Heero nagu yidhi

Aduun baa hab jaaniyo

Haan kale hanaanshee

Haddii aan hareertiyo

Hanti gaara laga marin

Hor illah markay tahay

Hadda diintu waa hodan

Adigoo hangaraliyo

Hangaraarac aan hidin

Halaq maadigaa dili

Hadal iyo dhamaantii

Aan u dhaasho heestee

Hooy hooy Hibaaqeey

Hilqadaha hadoodilo

Hoobayda aan tumay

Ku hambaabir weeyaan

Haddii aad hilmaantoo

Hoogay aad tidhahdoo

Hiq-hiqdaadu badatana

Adigaa is heeree

Hadhaw haygu soo hiran

Hariir yaale yaan xidhan.

“Hayl hayli maayee

Mar kalena hoyaaliyo

Hobaale aan dhigo”.

Hor ilaahay mooyee

Sida haatan aad tahay

Haasaawe wacaniyo

Inkastoonad heli hayn

Huridii muriyadaha

Hollashadu waxay tahay

Hal adayg inaad tahay

In ninkii ku helayee

Adna heedhe hanataa

Haye aad tidhaahdaa

Inuu Foodka heli karo.

Inaad Hooto leedahay

Gaashaanku hayn Karin

Hadday hawshu dhimantoo

Hadda aanu kuu dhicin

Iyadoy hab khalad tahay

Had dhow buu imanayaa

Hodadaamo haw dhiman

Hohe hohe hibaaqeey

Huf ka dhoo ha soo hadhin

Hawl adiga kuu taal

Iyo waa hankaagii

Adigoo halkaa yaal

Hadda ay cakirantahay

Dadku uu humaag galay

Ninka heedhe kaa baxay

Iska helalood tegay

Muxuu kuu hayaa sheeg.

Hurguf haadi heemaar

Hala kala huleelee

Hala kala hanaashee

Hala kala hagaagee

Alleylehe Hibaaaqeey

Ninkaad hoy la geli layd

Hamta aad la cunilayd

Hammigaagu hadhi laa

Hibadaada keenoo

Hadda maanta soo helo

Haddan maanta soo saar.

Wabilaahi Towfiiq

Abdi Abdilahi-Toronto-Canada

One Comments
Hanad

Mahad sanid adbad u dadalaysaye

Posted at September 5th, 2009 - 12:29 am
Trackback URI | Comments RSS
Post a Comment Below »
Your Name:

Your Email:

Website?

Your Comment:

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Pages

Bathrooms, Indoor Lighting & Cyprus Villas