Bulshada iyo Qalada Aqoonyahanka qalinkii iyo fikradii Cabdilatiif Cismaan Caabi

Bulshada iyo Qalada Aqoonyahanka
“Sirta furaha jeeroo la helo waxay saluugeyso
Xaajadu ka sinoweyn nimaa derejo siisaane”
‘Gaarriye’

Intii burburka dagaalladu sababeen dhacay baahiduna badatay, waxkasta oo bulshadeenna lagu yiqiin waa ay is bedeleen. Tilmaamihii qiimaha lahaa ee la isku weyneyn jirey ayaa meesha ka baxay. Haddii la isku faanin jirey runta, geesinnimada, ballanta oo la ilaaliyo, garsoorka, iyo qaar kale oo badan, maanta waxa bedelay sife kasta oo liita. Qiimeyaashii wacnaa way sal guureen, waxkasta oo dib-dhac iyo xumaan ku sidkanna waa la isugu soo joogsadaa. Waxa la isku qiimeynayaa arrimo hoose oo ku salaysan aragti gaaban iyo dan aan dhaafsaneyn maanta. Waxyaalaha la isku qiimeeyo maanta waxa ka mid ah beenta, dhaca, boobka hantida dadweynaha, dilka,eexda, qolo-qolaynta, iwm. Markaas baa wanaaggii baadiyoobay oo qalooday noqdayna naanayso la isku caayo oo dadka intii hugun-raac ahi iska ilaaliyaan si ay ula jaan-qaadaan nolosha cusub. Qofkii in uun jeclaa in uu ku sifoobo waxkasta oo la isku amaani karo waxa uu ku dhex dhimanayaa laba daran dhexdood waana u ‘ laba daran midkood dooro’. In uu raalli geliyo bulshada kuna astoobo sifayaasha ay rabaan, iyo in uu noqdo tuke baal cad oo dadka ka go’doonsan. Tan hore haddii uu qaato, waxa uu maray tubtii ay mareen dadka badidiisu , haddii uu bulshada ka hortagona waa uu takoormayaa. Markaas baa la nacayaa oo la isu tilmaamayaa lagana dhigayaa qof wax ma tare ah oo bulshada ku lid ah. Isla markaas baa ay bulshadu bilawdaa in ay sumcadda iyo sharafta ka dilaan qofkaas ka hor yimi sida ay u fikireyso. Mid mid ayaa loo takooraa qofkasta oo damiir leh halkaana lagu fogeeyaa dadkii waxtarka u lahaa bulshada ee hoggaanka u qaban lahaa hayaanka lagu beegsanayo horumarka una horseedi lahaa is-beddel ballaadhan oo lagu dago. Bulshadii sidaasay ku qaddarjabtay dhabbadii dib u dhacana afka u saartay. Halkaas bay bulshadii ku noqotay mid u xidhxidhan inta xun oo gacmaheeda ku samaysa dhib kasta. Berrito ayey bilawdaa haddana- waa bulshada’e- in ay ka cabato dhibkii ay gacmaheeda ku samaysay ugana hortagaan dadka ay gacmahooda iyo garaadkooda ku cimaamadeen, xooggooda, maalkooda iyo kartidoodana ku doorteen. Sidaas bay bulshadu ku noqotay cidda gacmaheeda ku samaysa musuqmaasuqa iyo xumaha ragaadiyey dadka iyo hannaan kasta oo dawladeed oo samaysma.

Aqoonyahankii waxa uu ku dhex milmay hirarkaas aqoon la’aaneed. Waxa uu la jeel noqday dad cadaw ah oo u arka soo galeeti dan gaar ah wata. Waxa uu arkay in aan lagu weyneynayn aqoonta iyo hanka uu wato ee uu jecel yahay in uu bulshadiisa ku horumariyo sida faciisa aqoonyahanka ah ee dunida kale ee bulshooyinkooda hormuudka u ah. Haddii la rabo ugu yaraan in hawl loo dirto, sababta keli ah ee loogu dirsanayaa waxa ay tahay summadiisa qofeed, ama reereed. Lagama yaabo in la qiimeeyo kartidiisa, qofnimadiisa, iyo aqoonta uu u leeyahay hawshaas loo igmaday. Qofka aqoonyahanka ahi, marna isma uu odhan aqoontaada ayaa lagugu quudhsan oo lagugu qadarin waayi. Waxa uu ku fikiri jirey in maalin uun uu arki doono dalkiisa iyo dadkiisa oo ay mayalka u hayaan inta lagu tiriyo aqoonta iyo garaadka suubban ee ka damqanaysa baylahda baahsan ee ka muuqata dalkooda iyo dadkooda. Marna isma uu odhan waxa lagaala mid dhigi caada-qaataha iyo jaahilka u soo foof tagay hantida guud ee bulshada. Intii u adkaysan weyday rafaadka qurbaha una damqatay dalkooda iyo dadkooda waxa ay galeen cidhiidhi iyo takoor aaney fileyn. Lama joogaan dad ay is fahmi karaan, dad dhagaysan kara, kuna faraxsan dadkaas wax usoo bartay una soo noqday sidii ay u horumarin lahaayeen iyaga. Qaarkood faallo iyo qaylo joogto ah bay miciin bidaan, halka qaarka kale na juuqda gabaan. Intii hadlaysa ayaa se u dhaliil mudan oo waxa aad arki bulshada oo ku maageysa ereyo ay ka mid yihiin: ‘ waar may iska aamusan; meeshanna ma qurbihii bay moodayaan?’ Halkaas baa qaarkood na niyad-jab awgii aamusaan, halka qaar kale u firxadaan qurbaha.

Is dhex yaaca, xidhiidh la’aanta iyo is fahmi waaga ka dhexeeya bulshada iyo aqoonyahanku waxa uu dhaliyey dib u dhac weyn oo dhan kasta leh. Waxa ay ina ballaysintay siyaasado habaw ah oo aan lahayn bartilmaameed oo ka arradan aasaas aqooneed iyo anshax suubban. Aqoonyahanku marwalba waxa uu dareemaa milgaha iyo wanaagga lagala kulmo bulsho aqoontu u tahay hormuud waxkastana ka hormarisa, isla markaana isku dayaa sidii uu doorka laga filayo u ciyaari lahaa ugana qayb qaadan lahaa horumarka, halka aqoon-laawuhu na geed dheer iyo ku gaaban ba u fuulo sidii uu ugu mitidi lahaa in uu isna caynaanka u hayo bulshadan ayaan ka daran ee wax moodday, isagana ilaalin lahaa kan aqoonta leh oo uu u arko nin dan wata oo soo galeeti ah. Markaas buu isku dayaa sidii uu aqoonyahanka uga horkeeni lahaa bulshada si uu u badbaado, uguna jiro kaalin uu dareensan yahay in uu waayi karo haddii aqoonyahanku doorkiisa ciyaaro, hormuud na ka noqdo danta guud. Malaha xirfad kale oo uu kula tacaalo noloshiisa oo aan ka ahayn in uu wax musuqo ama in uu danta guud ka dhigto isha keli ah ee uu ka heli karo nolol.

Gunaanad:

Waxa bulsho kasta ku horumari karto ayaa ah iyada oo laga faaideysto aqoonta iyo awoodaha maskaxeed ee aqoonyahanka. Haddii aan rabno in aan horumar gaadhno, is-beddel mug leh na ku tallaabsanno, waa in aan aqoonyahanka siinno fursad ay ku hoggaamiyaan bulshada si ay uga samato bixiyaan dib-dhaca, jahliga, dagaallada, gaajada, iyo qaybsanaanta siyaasadeed, kooxeed, bulsheed iyo dhaqaale. Bulsho kasta cidda hoggaanka u qabata, ama u qaban karta waxa lagu qiyaasaa in ay tahay boqolkiiba laba(2%), waxaana aan shaki ku jirin in tiradaa aad ka u yar laga heli karo oo keli ah dadka aqoon yahanka ah ee wax bartay. Waa in ay bulshadu garato sida kali ah ee ay ku heli karto horumarka iyo is-bedelka ay hammuunta u qabtaa in uu yahay iyada oo fursad siisa aqoonyahanka, una oggolaata in ay hoggaanka qabtaan.

Aqoonyahanka waxa la gudboon in ay nafta iyo maalkaba u huraan sidii ay dhibkasta oo kaga imaneysa bulshada ugu dul-qaataan, markastana u dareemaan xilka ka saaraan dalkooda iyo dadkooda. Waa in ay dareemaan in la’aantood aan la gaadhi karin horumar, si horumar loo gaadhona waa in ay ka soo baxaan doorka hoggaamineed ee looga fadhiyo. Dan kasta oo gaar ah waa in ay ka hormariyaan ta guud, una badheedhaan, dushana u ritaan khatar kasta oo ku iman karta. Waa in ay muujiyaan awoodaha iyo xirfadaha aqoontu ku dhalisay ee ay leeyihiin ee ay bulshada ku hoggaamin karaan, una dul-qaataan turun-turrooyinka iyo caqabadaha kaga iman kara xilkaa haddii ay dusha u ritaan. Waxa hubaal ah haddii intaas la helo, in aqoonyahanku noqon doono hormuud loo aayo oo dhaliya is-bedel lagu diirsado iyo horumar idan Alle.

Cabdilatiif Cismaan Caabi
Sana’a, Yemen
latifabbey@yahoo.com

You must be logged in to post a comment.