Fariinta Madaxweyne Siilaanyo Ee Xuska 18 May 2011

18 May.org Toronto

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa fariin u diray Shacabka Somaliland ee ku dhaqan gudo iyo dibada, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu shacabka ku baraarujiyey inay si weyn u wayneeyaan xuska 20 guurada Somaliland oo ku beegan 18-ka May.

Waxa sidaasi lagu sheegay Dhambaalka Madaxweyne Siilaanyo oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u qornaa sidan:- Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dhambaal Fariin ah u diray Shacbiga Somaliland Guddo iyo Dibedba.

Madaxweynaha JSL waxa uu fariintiisan shacbiga ku baraarujiyey weynaynta Xuska 20-tan Guurada Somaliland oo ku beegan 18-ka may.

Waxaanu Madaxweynuhu Dhambaalkiisa ku yidhi sidan:-

Bismillaahi Raxmaani Raxiim Asalaamu Calaykum Wa –raxmatullaahi Wa-bara-kaatuh.

Illaahay mahadi haka gaadhee waxa inagu soo fool leh sanad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay La-soo noqoshadii

Xorriyadeena oo ah 18-ka May Somaliland iyo dadkeedu waxay doorteen inay si mug leh caalamka ugu soo bandhigaan

rabitaankooda isla markaa dhawaaq sare ugu sheegaan waxay ka rabaan oo ah ICTIRAAF.

Sidaa darteed waxan ummadda reer somailand gudo iyo dibadba ugu baaqayaa inay maalinta 18-ka may halkay

joogaanba ka dhigaan isu soo baxyo habaysan oo nabad ah iyagoo muujinaya dareenkooda isla markaana qof waliba soo qaato astaanta qaranka oo ah Calanka Somaliland.

You must be logged in to post a comment.