Fulayada fikirka:Qalinkii Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Garaadkoo Loo Adeegsado Himilo Dhaw, Lagalana Baqo Ku Dhaca Himilooyinka Fog Ee Saameeya Jiritaanka Qawmiyadaha.

Geesinnimada dhabta ah ee dadku ma aha ta dagaalka, waa se ta maskaxda. Sida adeegsiga muruqa iyo hubka loogu kala dhiirran yahay ayaa adeegsiga maankana loogu kala dhiirran yahay. Guusha lagu xaqiijiyo awoodda iyo dhiirranida garashada ayaa aad uga sarraysa ugana qiimo badan guusha goob dagaal lagala tago. Taasi waa xaqiiqo sugan oo ka muuqata taariikhda dunida iyo nolosha dadka. Sababtaas ayaad arkaysaa iyada oo casrigan awoodda la saarayo taariikhaynta dhacdooyinka la xidhiidha firfircoonida iyo kartida maskaxeed halkii awel xoogga la saari jiray qisada dagaalka iyo qofnimada dagaalyahanka.

Tallaabooyinka ugu mudan ee dunida saamaynta ugu weyn ku yeeshay run ahaantii ma ahayn dagaalgelin waxay se ka dhasheen dhiirranaan maskaxeed oo ay qof, koox ama ummadi ku kaceen. Guul walba oo dagaal laga gaadhay qudheeda waxaa abaabushay garasho miiggan, ha ahaato xeelad siyaasadeed ama mid ciidane. Haa, horumarka dunida ka jira oo dhami: aqoon, farsamo iyo dhaqaale intaba waxaa dhashay maskax geesiyad ah. Xitaa diimaha arrintaasi waa ay gelaysaa, waayo nebi maskaxda fulay ka ah lama arag. Waa sidaa. Garaadku wuxuu midho dhalaa kolka la hawlgeliyo ee karaankiisa oo dhan la fasaxo ee aqoonta iyo ogaanshaha sed looga dhigo ee garashada laga liso ee nuxurka dunida lagula baxo ee wixii mudnaan leh lala falgeliyo sidaasna danta lagu soo dhirindhiriyo.

Guud ahaanba bani aadanka in aad u yar ayaa ku dhac u leh adeegsiga awoodda maskaxda. Aragtiyaha iyo tallaabooyinka geesinnimada lihi waa wax ka yimaadda qof iyo qofaf, bulsho-weyntuna waa ay ka hor timaaddaa, waayo waxaa la jecel yahay wax waliba sida ay yihiin ee la caadaystay in loo daayo, xitaa haddii ay xun tahay. Dhammaan fikradihii waaweynaa ee dunida hagaajiyey bilawgii dadkooda waxay ku rideen qaadanwaa iyo qalalaase nafsadeed iyo mid bulsheed.

Sida maskax ahaan loo dhiirran yahay ama aan loo dhiirranayn, ee dunida kugu xeeran loola falgalo loogana falceliyo, ama taas loo yeeli waayo, ayey ku xidhan tahay guusha iyo guuldarradu. Ummad iyo qofbana taas waa iskaga mid.

Haddii aynu eegno xidhiidhadii Afrika iyo Yurub ee taariikhda casriga ah waxaynu arkaynaa in ay u wada dhacayeen isla si qudha oo natiijadooda hoogga leh isku mid ka dhigtay. Niman sahan ahaa oo labada jeeb mid diin ku sita ka kalena danta isirkooda ku sita ayaa yimid Afrika, waxayna la kulmeen, sida ay yidhaahdeen, dad u diyaarsan in sidii la doono loo qaabeeyo. Marka ay sidaas lee yihiin waxay ka duulayaan fahanka liita ee uu afrikaanka madoobi dunida isaga ka baxsan ka haysto, iyo sidii uu hab-dhaqanka martidiisa uga falceliyey ama uga falcelin waayey. Marxalad taa ka mid ahayd waa tii addoominta iyo suuqgeynta dadka. Waxaa xigtay tii qabsiga iyo gumaynta qaaradeed. Iyadana waxaa xigtay tan maanta lagu jiro oo ka soo bilaabatay 60-nadii qarnigii tegey, xilligaas oo la mooday Afrika in ay xorowday ay se dib ka caddaatay in aanay sidaas ahayn. Intaas oo marxaladood mid walba waxaynu ka arkaynaa sababta qudha ee ay sidaas wax u noqdeen in ay ahayd karti iyo dhiirranaan maskaxeed oo ay caddaanku la yimaaddeen una suurtageliyey in ay reer afrika sida halaqa suntiisa dhiigga iyo dhuuxa raacaan. Wax kale ma aha ee waa wacyi iyo abaabul maskaxeed oo la isdhaamay.

Afrika uun ma aha ee reer yurubku ummadaha iyo qaaradaha dunida oo dhan waxay ula tageen kagana adkaadeen bisayl iyo dhiirrani garaad. Taariikhyahanka maraykanka ah ee isirraacnimada lagu dhaliilo lana yidhaahdo David Landes buuggiisa The Wealth and Poverty of Nations wuxuu kaga hadlay dibudhaca Shiinaha asiibay qarniyadii tegey, ee uu Yurubtii uu ka horrayn jiray kaga hadhay, sababtiisu in ay ahayd sidii fulaynimada ahayd ee ay u dhaqmeen fagaarayaashii ugu horreeyey ee ay iyaga iyo Yurubta Cusubi ku kulmeen. Shiinuhu farsamo iyo aqoon walba oo ay reer yurubka ka arkeen waa ay quudhsadeen isna diidsiiyeen iyaga oo u jabaya wixii ay iyagu hore u haysteen oo ahaa wax laga baxay kolka loo eego aqoontii iyo farsamadii darayga ahayd ee Yurub.

Waxa lagu dhaamo in aad quudhsato (sidaas Shiinaha) waxaa la mid ah in aad ka baqdo (sideenna). Waa kolka aad yeelan waydo awood maskaxeed iyo dhiirrasho nafsadeed oo kuu suurtageliya waxa kugu cusub in aad wejiga saarto, nuxurkooda la baxdo, dabadeed ku danaysato ama ka danaysato. Baqdin iyo cuqdad dunida kaa duwan lagu eegaa waa liidnimada ugu weyn ee ummad iyo qofba ku dhacda. Sida uu arrinta u qeexay aqoonyahan sacuudi ah oo lagu magacaabo Ibraahin al-Buleyhi ”waa iyada oo irridaha iyo daaqadaha la xidho si aan waxba kuugu soo gelin, xitaa laydha iyo ilayska qorraxdu”. Doorasho saddexaad, oo ah ta loo baahan yahay, waa in waxa cusub ee lala kulmayo dhab loo qiimeeyo laguna eego garasho baraarugsan isla markaa dhiirran. Sidaas ayaa looga faa’iidaysan karaa waxqabadka aadamiga kale, isla markaa lagu kala saari karaa waxtarka iyo waxyeellada.

Ilbaxnimada caddaanka aad baa looga dooday xumaheeda iyo samaheeda. Waxaa baadhitaanno ciiddaa iyo camaarkaa la eg ka sameeyey dadyowga iyaga ka baxsan. Iyaga qudhooduna baadhitaanno intaas ka sii badan ayey isku sameeyeen. Marka la isku wada xooriyana natiijadu waxay noqotay:1) caddaanku maanta waxay hayaan horumar iyo heer nololeed oo aanay jirin dunida cid kale oo gaadhay haddii ay tahay aqoon, farsamo, dhaqaale, maamul wanaag iyo daryeelka karaamada dadkooda iyo; 2) ilbaxnimada caddaanka waxaa ku taalla boog dhanka ruuxiga ah oo ku ridday madhnaan iyo macne la’aan, taas oo iyaduna ku keentay in wax walba lacag lagu qiimeeyo, danta maaddiga ah oo keliyana laga eego.

Dabadeed garashada hagaagsani waxay isku raacsan tahay, sida ay nacasnimo u tahay in ilbaxnimada caddaanka idilkeedba la iska wada xantoobsado in ay doqonnimo u tahay in laga baqo oo lala dagaallamo. Kol haddii se ay hubaal tahay in aanay maanta dunida jirin cid aan horumarkaas siyaalo badan ugu danaysani, waxaa jirta arrin ay tahay in runta laga sheego. Taasi waxaa weeye, isla dadkii farsamada iyo dhinacyada kale ee waxsoosaarka ilbaxnimadaas habeen iyo dharaar ka faa’iidaysanayey, ee noloshooda oo dhan ku xidhay, ayaa haddana ugu cay badan oo ugu nacayb badan. Si abaal la’aantaas loogu qiilbanneeyo waxaa aad loo wadwadaa dhaliilaha xagga dhaqanka ah ee caddaanku yeelan karaan, taas oo ay iyaga qudhooduba isku dhaliilaan. Miyuu se jiraa dhaqan aan xumaatooyin lahayni? Marka aynu ummadaha kale dhaqankooda dhaliilayno, iyaga ha u xumaado ama ha u wanaagsanaadee, miyeynu hoos u eegnay innagaba keenna waxa ceebo ka buuxa? Horumar baa se laga hadlayaye yaa kuu diray dadka kale dhaqammadooda (tusaale ahaan sida ay isu jeclaadaan iyo sida ay isu guursadaan iyo sida ay isu qabaan iyo sida ay isu dhalaan iyo sida ay isu furaan iyo sida ay isu xabaalaan iwm)?

Reer yurub markii ay sameeyeen horumar aad ah waxaa galay kibir iyo islaweyni, ummadihi ay dhaafeenna waxaa ku dhacay baqdin iyo nacayb. Baqdinta iyo nacaybku waxay dhaleen wax walba oo ay caddaanku ku horreeyaan in la sharaysto, xitaa iyada oo aan laga maarmin. Kobcinta fekerka, falsafadaynta nolosha, culuunta bulshada, casriyeynta iyo wanaajinta nolosha, xorriyadda iyo xuquuqda dadka, maamulka iyo abaabulka, iyo xitaa cilmiga iyo farsamada, waxaad mooddaa in loo qaatay wax ay iyagu dhaqan u lee yihiin. Haddii kale maxaa laga wadaa in la isku eedeeyo ”dhaqan reer galbeed baa la wadaa” iyada oo ay muuqato in ay tahay wax wanaagsan oo dan ah oo baahida aadamiga ka mid ah? Reer galbeedka iyo la’aantoodba dantu meel ay jirtaba in laga doonaa sow waajib ma aha?

Taas oo jirta haddana fulayada fikirku waxay caado ka dhigteen aragti walba oo isku dayda in aqalka daaqadaha loo furo in ay ku eedeeyaan ”dhaqan reer galbeed buu wadaa”. Haddii wax fikrad ah laga dhiibto sidii dunida innaga horraysa loo higsan lahaa, iyo sidii aynu waxa la ina dhaamo ku heli lahayn, iyo guud ahaan sidii xaaladdeenna liidata wax looga beddeli lahaa, waxaa lala soo boodayaa ”dhaqankaa la duminayaa” iyo ”dhaqan caddaan baa la wadaa” iyo ”diintaa meel lagaga dhacayaa”. Xitaa suugaanta iyo halabuurka kale ee si uun uga yara duwanaada kii hore loo yaqaannay xukunkaas fulaynimada ah ayaa lagu ridayaa. Weliba ogow eedayntaas badanaa run loolama jeedo garashana lagama keeno ee waa caado ay fulayada fikirku iska lee yihiin oo ay firfircooni walba oo maskaxeed ku jidgooyaan.

In aanay run uga jeedin, oo aanay xitaa iyaga qudhoodu ku qanacsanayn ee ay iska odhanayaan baan ku tusayaa. Eedda ah ”dhaqan baa la duminayaa” uma adeegsadaan oo qudha jidgooyada erey walba oo lagu soo qaado casriyeynta iyo hore u kicinta nolosha, waxay se kale oo ku cabbudhiyaan doodda ku saabsan soo noolaynta dhaqan badan oo wanaagsanaa oo rubuc qarnigii ugu dambeeyey innaga burburay. Isdiidada halkaas ku jirtaa yaab ayey lee dahay, waayo dadka casriyeynta neceb waxaa lagu yaqaan in ay dhaqanka iyo hiddaha ku yoto’aan, kuwani se wax kale ayey u afduuban yihiin; wax saddexaad. Ka hadli mayno wiilasha naftooda la maalgashaday ee bambooyinka kilkisha ku sita ee kolba goobta ay xuuralcaynta ku caashaqaan isku qarxinaya. Dadka aynu ka hadlaynaa runtii kuwaas waa ay ka duwan yihiin oo ka deggan yihiin, waxay se la wadaagaan in ay aadamiga iyo garashadiisa xaqirayaan qiimina aanay la lahayn. Dunida Ilaahay baa leh, wax kalena uma dhisnaan karto, dadkuna wax aan diin ahayn nolosha lama kaashan karo, weeye gundhigga fikirkoodu, haddana halkaa dhaafin kari maayaan.

Tabtii horumarka reer galbeedka loo nacdalayey iyada oo aan daqiiqad qudha laga kaaftoomi karin, si la mid ah ayaa fikraddaa diinaysan carrabka loogu hayaa iyada oo aan daqiiqad qudha lagu kaaftoomi karin. Labada goorba waa isburin yaab leh oo aad is odhanayso waalli kama duwana. Waa waxa afka qalaad lagu yidhaahdo schizophrenia.

Mar haddii se fikaradda ah ”dadku waxaan diin ahayn uma baahna umana bannaana” aanay ka dhabayn karin, weligeedna laga dhabayn kari doonin, waxay ku dhex jiraan hawraar iyo hawl isdiiddan: afkana hadalkaas ha lagaga soo celceliyo marka ay hawl adduun noqotana waa nin walba iyo tabta uu laftiisa u dhuuxo. Bulshadana waxaa lagu haynayaa meel aan anigu u bixiyey erey diineedka ah ”barsakh” – meel laba nololood u dhaxaysa. Wax waliba waa xaaraan. Bidix iyo midig midna looma jeesan karo. Hor iyo dib midna looma tallaabsan karo. Hadalka afka ka soo baxaya waa la tirinayaa. Maqalka iyo muuqaalka la oggol yahay waa inta uu qol afargees ahi qaado. Far haddii la dhaqaajiyo waxaa la moodayaa in la halligmayo. Halaaggii la soo maray oo dhan waxaa sabab looga dhigayaa xeerarkaa kore oo la jebiyey. Fanka iyo farxadda iyo fannaannimada iyo halabuurka duwan ee xorta ah iyo furfurnaanta bulsheed iyo hanka iyo higsiga horumarku, giddigood waa fusuq iyo faasuq.

Sida inoo muuqata halkaa waxaa laga doonayaa bulsho aan maankeeda iyo dareenkeeda midkoodna shaqayn oo iska tuban oo qalfoof ah. Waxaa laga yaabaa in la filayo tubnaantaas qudheeda in guul iyo wanaag ka soo bixi doonaan, se guusha iyo wanaaggu falka dadka oo qudha ayey ku yimaaddaane sida roobka cirka kama soo da’aan sida dooggana ciidda kama soo baxaan.

Taariikhda ayey ku caddahay ummad sida ay u nooshahay ee dabkeedu u baxayo mar uun in ay dhagaxowdo dabadeed dhimato haddii aanay isdabaqaban. Dhagaxoobiddu waa calaamadda koowaad ee dhimashada ilbaxnimada iyo horusocodnimada bulsho. Xadaaraddii Islaamka iyo tii Masiixiyadda Yurub marxalado ay mareen ayaa tusaale u ah dhagaxoobidda. Reer yurubku tooda waxay u yaqaannaan Dark Ages, muslinkuna (ama carabtu) tooda waxay ugu yeedhaan Casr at-Taxajur, ummado badan ayaana jiritaanka dunida sidaas kaga baxay. Yurub waxay mar dambe ku badbaadday firfircooni ka soo bilaabatay qarnigii 15-aad oo isugu jirta badmaaxnimo dhiirran oo ganacsi iyo daahfur wadata, fan iyo farshaxan cusub, maskaxda dadka iyo siyaasadda oo gacanta kiniisadda laga furfuray, iyo Kitaabka Injiilka oo dad walba afkooda loogu turjumay taas oo damicii xumaa ee baadderiyada lagaga xoroobay.

U dhug lahow qodobka u dambeeya, waayo diintu kolka ay dadka af kale ugu qoran tahay iyo marka ay afkooda ugu qoran tahay isku mid ma aha. Jeerka hore waxaa la gashadaa harawsi badan oo dadkaas lagaga danaysto, jeerka dambe se barashadeeda iyo fahankeeda waa ay u madaxbannaan yihiin. Tusaale ahaan maanta soomaalida iyo carabtu Diinta Islaamka isku si iyo isku ujeeddo uma haystaan. Carab aad u badan diintu waxay u tahay hayb isir, hayb af iyo arrimo kale oo iyaga u gaar ah. Xitaa waa ay dhacdaa carabku in uu qof kale oo muslin la ah aan se carab la ahayn diinta ugu faano. Waa hubaal diinta haddii af soomaali lagu qori lahaa ugu yaraan in la heli lahaa fahan madaxbannaan oo ka carabta u miisaaman.

Qarnigii dhammaaday horraantiisii iyo qarnigii ka sii horreeyey qaybtii dambe ayey dad muslimiin ahi isku dayeen in ay sidii Yurub ka dhacday oo kale Dunida Islaamka dib u hagaajiyaan, nolol geliyaan, dhagaxoobiddana ka saaraan , Isla markaana ilabaxnimada Yurub ka caabbiyaan (Jamaaldiin Afgaani, Maxamed Cabdo, Abul Aclaa Mowduudi, Xasan al-Banaa iqk). Isweydiintii ahayd: muslinku maxay u dambeeyaan? Jawaabteeda ugu weyni nimankaas waxay la noqotay: sababta oo ah diintoodii ayey ka tageen. Halkaa waxay ka soo saareen mucaaddalo sidan u dhigan: muslinka awelba diinta ayaa horumarisay, kolkii ay ka tageenna waa ay burbureen, waxaana u badbaado ah in ay iyada ku dhaqmaan.Waxay soo jeediyeen: diinta waa laga tegey ee in loo noqdo, aqoonteedii waa la lumiyey ee in la barto, nuxurkeedii waa la dooriyey ee in khuraafaadka laga safeeyo, markaas ka dib in sidii xilligii Rasuulka lagu horumari doono. Intaas ayey far waaweyn ku qoreen. Garo oo taladaasi waxay liddi ku tahay tii ay Yurub qaadatay ee diinta iyo danaha adduunka lagu kala furfuray, qeybka iyo aqoontana lagu kala maareeyey.

Qarni dhan ka dib maanta nimankaas dadaalkoodii weli midho lagama goosan. Waxa aynu odhan karraa nasiibxumadu waa iyaga oo xalka ka raadiyey diinta oo qudha. Meesha ay wax ka bilaabeen marka aynu maanta taariikhda ku qiimayno waxaa la odhan karaa hor u socosho ma ahayn ee waxay ahayd dib u noqosho: sidee baa iyada oo cusboonayn loo dan lee yahay haddana casrigii Rasuulka dib loogu noqonayaa? Weliba noqosho ruuxi ah si kale ayaaba loo eegi karaaye waxay ka shaqaynayeen waa dardargelinta nolosha dunida. Haddii se diinta iyo barashadeedu yihiin ruuxaaniyad iyo cibaadaysi iyo kala garashada waxa ay xarrimayso iyo waxa ay bannaynayso, taasi maxay ka taraysaa dhismaha dunida iyo waxsoosaarka maaddiga ah? In la abuuro bulsho wada taqi ah miyey la mid tahay in la abuuro bulsho ay sarreeyaan waxsoosaarkeeda, heerkeeda nololeed iyo awooddeeda jiritaan? Maya.

Taa darteed hormuudkii casriyeynta muslinka iyo facii iyaga ka dambeeyey ee Sayid Qudb ugu weynaa halgankoodii natiijada ka dhalatay waa dib u celinta fikirka iyo dhaqanka dadka, taas oo iyaduna keentay xagjirnimada diineed iyo waallida maanta socota. Meel walba dhiig baa qulqulaya, meel walba gawrac baa ka socda, meel walbana barbaar isqarxiyey iyo dadkii uu isku dhex qarxiyey baa kidfan. Welina wax isbeddel iyo horumar bulsheed ah faro laguma hayo, haba yaraatee. Sababtuna waa in aan casriyeynta la doonayo waaqic lagu salayn garashana lagu hawlgelin. Waxaa laga wada laallaadaa kitaabo yaryar oo ay ka mid yihiin Min hunaa nabda iyo Macaalim fid-dariiq.

Casriyeynta Dunida Islaamka in loo dhaqaajiyo dhan liddi ku ah dhankii ay caddaanku wax u dhaqaajiyeen waxaa lagu sheegi karaa jawaabcelin baqdin iyo canaadnimo ah oo ilbaxnimadaas loogu jilibdhigay. Beddel kalena xilligaas ma muuqan aan ahayn in Yurub la raaco iyo in diintii beri hore lagu ladnaaday mar kale boodhka laga tumo. Aragtidaasi in ay taageero door ah heshay malaha waxaa u sabab ahayd ta qudha ee iyada labaysa ayaa ahayd mid doqon ah oo ay wateen niman masaari ah oo Faransiiska waxbarasho u tegey dabadeed ashqaraar kala soo noqday kuna baaqay in ilbaxnimadaas duuduubkeeda lagu qaato. Taasi dabcan waxay xadgudub ku ahayd karaamada iyo ahaanshaha ummadnimo ee Masar iyo carab iyo muslin oo dhan. Welina maanta waxaa jira qofaf Dunida Islaamka u dhashay oo leh ”ninka cad ha la isu dhiibo”. Dareenka xun ee ay aragtidaas liidataa dadka ku reebtay iyo xanaaqa ay muslinka ku ridday fulayada fikirku weli waxay u adeegsadaan jidgooyada sahan walba oo ilbaxnimada Yurub ugbaadka ka soo sheega.

Dhanka kale, fulaynimada fikirku waxay hoggaanka u sii daysaa xagjirka muslinka ee waallida ku shaqeeya. Xagjirkaasina isbeddel aayo leh umaddiisa uma keeni karo, horumarka dunidana uma tartami karo, waayo wuxuu ku jiraa tartan kale oo ah dhimashada iyo aakhiro iyo jannada, wuxuuna higsanayaa: (”Webiyo xareed ah iyo webiyo dhay ah iyo webiyo khamri ah oo ka cabba u macaan iyo webiyo malab miid ah, waxayna lee yihiin jaad walba oo midho ah.” – Suuradda Muxammad, aayadda 15-aad). Waxqabad adduun baa se laga hadlayaaye aakhiro miyey dadka ka dhexaysaa sow qof walba iyo tiisa ma aha oo xaalka laguma sheegin? (”Yowma yafirrul mar’u min akhiih. Wa ummih wa abiih. Wa saaxibatih Wa baniih. Likulli’imri’in minhum yowma’idin sha’nun yuqniih.” – Suuradda Cabasa, aayadaha 34-37-aad).

Dad baa moodaya caddaanku in ay ka xun yihiin jiritaanka xagjirka muslinka amaba dhab uga baqayaan. Ha ka yaabin. Mar qudha ayey ka xumaadaan waana marka ay danahooda u dhowaadaan, taas oo ay ka mid tahay in ay dal muslin ah taladiisa qabsadaan. Intaas ayey ka ilaashadaan, halkaas ayeyna ku eg tahay colaadda caddaanku nimankaas u hayaan. Intaa wixii ka dambeeya dan kama galaan haddiiba aanay raalli ka ahayn, waayo xagjirka waalani umaddiisa wuxuu ka reebayaa ama ugu yaraan ka hakinayaa tartanka adduunka. Fulayada fikirka qudhoodu taa si kale ayey u fuliyaan. Xagjirka tiisu waa in indhaha la isku qabto oo dhimashada lagu yaaco, fulayga fikirka isagana tiisu waa in indhaha la isku qabto oo meel la istubo.

Fulayada fikirku dal walba oo muslin ah waa ay ka buuxaan, xaggeennana waaba buuxdhaaf. Qaar badan oo ka mid ahi waa kuwa inoogu tugtug roon xagga aqoonta, fikirka iyo ereyga, inta kalena iyaga ayaa baalasha ku sita. Timaaddaduna ma soo qurux badna waayo faca imika kacay, weliba inta waxbaratay, badankoodu waxay ku jihaysan yihiin fulaynimada fikirka.

Tilmaamaha fulayga fikirka lagu garto waxaa ka mid ah: 1) wuxuu jecel yahay maskaxda dadka oo dhami in ay isku si u shaqayso; 2) wuxuu jecel yahay dabaysha bulshadiisu marba dhanka ay u dhacayso in uu u raaco; 3) had iyo goor wuxuu muujiyaa diin jacayl iyo dhaqan jacayl mar haddii ay yihiin laba walxood oo dhawrsan; 4) haddii uu wadaad yahay iyo haddii uu yahay aqoonyahan iyo haddii uu abwaan yahay iyo haddii uu yahay wax kaleba wuxuu jecel yahay in uu ku koobnaado aqoontaas intii laga baray ama uu dhaxlay, weligiina maskaxdiisa hindse cusub kama raadiyo wixii la barayna ma kobciyo mana beddelo; 5) haddii uu la kulmo aragti cusub wuxuu ku qiimeeyaa wixii uu hore u yaqaannay iyo waxa uu filayo in ay bulshadu ka qabi doonto, doodda uu ka dhiibanayana labadaas qodob ayuu cuskiyaa. Sidaas darteed fulayga fikirku haddii uu yahay ka inoogu maskax weyn iyo haddii uu yahay ka inoogu aqoon badan kollayba waa khasaare.

Haddaba sow ma habboona baqdinta fikirka in laga baxo oo maskaxda la yara ruxruxo jinni maashu bal in ay wax dhiiqdo?

Waxaad qoraaga kala xidhiidi karta emailka ciiwaankiisu hoos ku qoranyahay

Ibraahinhawd@hotmail.com

One response to “Fulayada fikirka:Qalinkii Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd””

  1. runtii sida ay aniga ila tahay saamaynta ugu badan qof bini aadam ah waxa yeesha waxa uu xiiseeyo qofka uu jecelyahay.
    muddo laba sano oo keli ah laga joogo ayaan si rasmi ah u qabatimay wax akhriska anigoo maktabadaha somaliland dawirayay marba buugaagta soo baxa.
    runtii intii aan qoraayada somaliland ama somaliyeedba aan dhex mushaaxayay buugaagtooda am qoraalldooda maan arag shakhsi sida MR HAWD uga faallooda wax yaabaha xaqaaiqa ah haday tahay dhacdooyinkii somaliya,xadaarada iyo islaamka iyo dhamman ba fikradaha ka dhex aloosan geyiga somalida ee qofba dhinac shiisha ka saaro.
    waxaan odhan qoraaga aan aadka u jeclaha odhan lahaa runtii dadka aan xagarku maskaxdooda ku go,nayn waad korinkartaa maskax ahaan sidaa daraadeed si bulshada inta caafimaadka qabta aanu usaamayn xanuundaa aad ka sheekaysay halagula wadaago hibada ilaahay kugu galladay.

    aad baanad u mahadsantahay.

    hamse abdi ibraahim.
    france,ANGERS

You must be logged in to post a comment.