Hor iyo dabo diid “abwaan cali deeq maxed ibraahin “mr.cali dhanaaniye”

Hor iyo dabo diid

Hargeysa 10/07/2011

200517_183503068360761_100001032088334_441860_1124014_n1.jpg

Waa maqaal ka hadlaya hordhaca waxqabadka xukuumadii aynu dooranay waxaa diyaariyey “abwaan cali deeq maxed ibraahin “mr.cali dhanaaniye”

Yar iyo weyn bulshada manta waa hor iyo dabo diid in yar mooyaane , waa bulsho muran iyo qalalaaso jecel waa bulsho xaasidkeedu badan yahay , waa bulsho aan waxba isu ogolayn , waa bulsho aad la yaabayso qaabka ay u dhaqmayso iyo siyaabaha kala duduwan ee ay caadaysatay.

Waxay ahayd 2007—ilaa 2010 markii ay yar iyo weyn lahaayeen waxaanu doonaynaa doorasho dumuqraadiya oo dalka ka dhacda waxaanu doonaynaa is bedel dhaba oo dalka lagu arko waxaanu u sacab tumaynaa halyey axmed siilaanyo iinu noqdo madax-weynaha jamhuuriyada s/land.

Nasiib wanaag sidii ay bulshadu tebaysay ayay wax waliba u dhaceen , way dhacday doorashadii iyo isbedelkii mudada dheer lagu taamayey , wadankana waxaa hogaamiye loogu doortay madaxweynihii mudada la sugayey , mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo alle ha daayo oo ha dhawree.

Mudane axmed siilaanyo waxa uu soo dhisay dhidibadana u taagey dawlad tayo leh , iyo wasiiro wada hal-abuur leh oo wadanka wax badan ku soo kor dhinaya waxna u taraya intii karaan kooda ah .

Mudane axmed siilaanyo waxa uu muujiyey karti, raganimo , dulqaad cid walba raali gelinaya , muddo koobana waxa uu sameeyey dhaq-dhaqaaq siyaasadeed iyo hawl-karnimo laxaad leh , isla markii koobaadna waxa uu hagaajiyey xidhiidhka siyaasada debeda oo uu ka bilaabay wadamada aynu jaarka nahay oo uu safaro kooban ugu baxay , sida wadamada jabuuti iyo itoobiya , safaradaas oo ahaa kuwii koowaad ee uu madaxweynuhu wadanka debeda ugaga baxo ilaa mudadii uu xilka hayey .

Talaabadii xigtayna waxay ahayd khudbadii dheerayd ee uu ka jeediyey aqalka chatting house ka ee wadanka ingiriiska axmed siilaanyo oo nasiib u helay inuu noqdo madax-weynihii labaad ee afrikana ee gala aqalka chatting house ka khudbad dheerna u jeediyey boqortooyada dawlada biritan .

Safardii sadexaadna waxay ahaayeen safardii uu madax-weyne siilaanyo ku soo maray wadamada carabta , kulamo kala jaadana kula qaatay qaar ka mida boqorada carabta . isagoo kaalmo dhaqaale iyo kaalmo siyaasadeedna ka soo helay .

Halyey siilaanyo waxa uu markii afraad wafti balaadhan oo heer qaran ah u diray, shirkii qaramada midoobay ee wadanka Kiiniya lagu qabtay iyada oo halkaasna guulo badan ay ka soo hoyiyeen waftigii la diray .

Safaradii shanaad ee uu oday siilaanyo wadanka kaga baxayna , waxay noqdeen safarkii ugu danbeeyey ee uu u baxay isaga oo ka qayb gelaya , ku dhawaaqida madax-banaanida dawlada cusub ee koonfurta sudan “southern sudan” eek u soo biirtay wadamada ku abtirsada qaarada afrika , halkaas oo uu madaxweyne axmed siilaanyo ka jeediyey khudbad lama ilaawana .

Nacas iyo qof bilaa damiira ayuunbaan dareemayn is bedelka dhacay ee la taaban karo .

Waxa lama ilaawaan ah laba qodob oo baal dahaba kaga jira taariikhda jamhuuriyada Somali-land oo ahaa 1- maalintii uu madaxweyne siilaanyo farihiisa u la tegey qashin xaadhida magaalada hargeisa isaga oo dadkiisa tusay inuu yahay muwaadin dhaba oo ay ka go,an tahay daacadnimada iyo kalsoonida uu dalkiisa u hayo.

2- maalintii 18 may oo ahayd maalin ku dheer umada ku dhaqan jamhuuriyada somalilad, munaasibadeediina lagu xusay guud ahaan aduunyada meelkasta oo ay joogaan muda sharafta badan ee ku abtirsata jamhuuriyada s/land, munaasibadas oo ahayd mid aynu dunida isku barnay una shegnay,una muujinay inaynu dad mida iyo dal xoranahay .

Ilaahay ha dhawro oo beryo hadaayee waxa uu madaxweyne siilaanyo hagaajiyey intuu dalka joogay dekeda iyo gegida diyuuraduhu ka haadaan ee magaalada ber-bera oo uu ka dhigay meelo la arki karo lana taaban karo , is bedelka qurxoon eek u dhacay ilahaa muhiimka ah.

Waxa haboon in la xasuusto muuqaalka aqalka madaxtooyada jamhuuriyada Somali-land iyo sidii uu markii hore ahaa , lama soo koobi karo wax-qabad yada muuqada ee uu madax-weyne siilaanyo qabtay balse waxaan maqaalkayga ku muujinayaa guud maruun .

Waxa kale oo uu axmed siilaanyo mushaharka u kordhiyay ciidamada jamhuuriyada Somali-land , waxa uu lacagtii bisha ka dhaafay iskuulada dawlada taas oo fududaysay inay sinaadaan dadkii awoodayey lacagta wax-barashada iyo dadkii aan awoodayn oo hada labaduba ay lacag la,aan wax ku bartaan .

Waxa kale oo in la xasuusto mudan lacagtii foosha xumayd , dayacnayd , googonayd , qadhmuunayd ee cid waliba dhibaysay ee laga tirtiray lagana jaray isticmaalkeeda gobolka togdheer iyo nawaaxigiisa .

Hadaba bulsho yahay is bedelkaa dhacay iyo is bebelada soo socdaa maaha kuwo aan halkan kaga warami karno ama aan ku soo koobi karno , mana aha kuwo qarsoomi kara , ee waa kuwo cidkasta oo muwaadan ahi dareemi karto , nasiib darro se qofka bilaadhiiga ah ee aan dareemini waa yeel-kadiis cidina hadalkiisa uma dhegtaagayso .

Axmed siilaanyo waxa uu garaacay albaabkasta oo uu u tuhmayey inuu ku jiro citiraafka soomaali-land , ilaa hadana wuxuu wadaa dhaq-dhaqaaqii siyaasadeed ee wadanka wax loogu qaban lahaa , ma garbaa mise waa gardaro in la hor is taago , oo lacaayo , lana fadqalaleeyo isbedelka iyo dardarta horta leh ee ka soo muuqata dawaladeena iyo madaxda inoo heelan hadh iyo habeen .

Taas waxaan u arkaa gardaro iyo hadal meel waayey , hadaladaa bilaa macnaha ah ee ka soo yeedhaya dadweynaha qaarkii oo waana ayaan daro haysata qofka dareemi waayey nolosha diirimaadka badan ee wadata farxada iyo yididiilada , waxa fiican inaan wanaaga iyo hawsha muuqata ee madax-weynaha iyo xukuumadiisu faraha kula jiraan inaan la iska indho tirin ee inta ciicda iyo hadalada aan melba gaadhayn la iska dhaafo in la dhiiriyo sacabadana loo tumo is bedelka aynu mudada dheer sugaynay ee hada aynu hantinay waana inaynu yar iyo weyn garab is taagnaa madaxweyneheena sharafta leh mudane axmed maxamed maxamud “siilaanyo” waxaanaan ilaahay uga baryayaa cimri dherer iyo caafimaad qab , waxaanaa axmed siilaanyo leeyahay cadawgaa ha jabee jiroo jog oday siilaanyo.

Waa laga qurux badan yahay in si bilaa macne ah loo hadlo oo loo qayl-qayliyo waxaanaan u arkaa qof aan fekerayn dadka ficiladaa sameeyey hadana wada.

Waxaanse bulshada ku dardaarayaa inaan la noqon sida xoolaha intay waxuun cunaan iska dareera markay dhergaan , laakiin bulshadu waa inay garataa inay yihiin dadkii dalkan lahaa , iskuna dayaan inay ka shaqeeyaan wadanka wax tarkiisa iyo horumarkiisa , qof kasta oo muwaadin ahi waa inuu ka shaqeeyaa nabada iyo daryeelka wadanka, waxana fiican inuu qof waliba ka shaqaysiiyo maskaxdiisa gartana waxa looga baahan yahay iyo waxa loo abuuray iyo u jeedada laga lahaa abuurtiisa .

Waxaan idiinka digayaa bulsho yahay inaynaan noqon sida afrikaanka bilaa maskaxda ah ee uu abwaan hadraawi gabayga ku sheegayay ee inta ay is doortaan hadana iyagu dooriya waakii abwaanku lahaa “ sidaa isu doorataan ayaa isu doorisaan ”

Waxaan halkaas ku soo xidhayaa kuna soo afmeerayaa maqaalkan oo aan aragtidayda ku soo koobayey