Kulmiye Toronto Canada

Kulmiye Toronto Canada

Ujeedo : Warbixin Shir Ka Qabsoomay Magaalada Toronto .
Waxa tariikhdu markay ahayd 16/7/2016 kulan wayn isugu yimid xubnaha gudida Toronto ee Xisbiga Kulmiye . Wuxuu kulankaasi daarnaa dardargelinta hawlaha xisbiga iyo sidii loogu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka inagu soo aadan hadii eebe idmo sanadka 2017, ta barlamaanka iyo ta madaxwaynahaba.
Waxa kale oo xubnaahaasi xogwaraysi qoto dheer la yeesheen Gudoomiyaha Wacyigelinta Mudane Khadar Guun Jaamac oo ka soo laabtay mudo yar ka hor dalkii hooyo Somaliland. Mudane Khadar wuxuu si mug wayn uga waramay xubnihii joogay madasha hawlaha xisbigu siday uga socdaan dalka gudihiisa.Sido kale wuxuu ku dheeraaday taageerayaasha faraha badan ee ku soo qulqulaya xisbiga dalka gudihiisa iyo dibadaba, gaar ahan gudihiisa, taaso yididiilo badan galisay una muujisay xubniihi gudiga inu xisbiga Kulmiye kalsooni badan ka haysto shacbiga Soomaliland, yahayna xisbi talada Dalka hanan kara mar labaad, mar sadexaad iyo mar afraadba, siina wadi kara horumarinta iyo xoojinta midnimada Dalka Soomaliland .
Waxa kale oo aad iyo aad looga wada hadlay arimo khuseeya sidii loo horumarin lahaa siyaasada xisbiga,abaabulka , wacyigelinta tageerayaasha xisbiga ee dagan Toronto iyo nawaaxigeeda.
Waxa kale oo goob joog ka ahaa shirkaasi Gudoomiyaha North Ameerika ee Xisbiga Kulmiye Mudane Mustafe Cabdi Cartan.
Shirkaasi wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u dagan iyo is afgarad buuxa.
GUUL SOMALILAND
ALLAH MAHAD LEH
GUUDOOMIYHA GUDIGA TORONTO EE XISBIGA KULMIYE: CILMI CIISE GABOOBE